C/y oo Cadaystay Colaada Siyaasadeed gobalada SSC

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

C/y oo Cadaystay Colaada Siyaasadeed gobalada SSC

Post by Hiiraan boy »

Cabdilaahi Yusuf oo Cadaystay Colaada Siyaasadeed ee uu kula Jiro gobalada SSC?
Warkii 22-Apr-2007 iyo Qormadii: Cabdiqani Makhtal Maxamed

Markii ay dhamaatay Saddexdii sano ee Cabdilaahi Yuusuf loo doortay Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Pl ayaa waxa uu diiday in uu kursigaka dego oo uu u baneeyo Muwaadiniinta kale ee Reer Pl waxaana dhalatay in uu Cabdilaahi Yuusuf iyo koox uu hugaaminayo oo uu ka mid yahay



Axmed Cabdi Xaabsadde ay u ruqaansadaan dhinacaas iyo gobalka mudug halkaas oo ay miciin bideen ,shir weynihii labaad ee lagu qabto Caasumada Pl ayaa waxaa loo doortay Madaxweyne Jaamac Cali Jaamac, maalmo ka dib Doorashadii Madaxweyne Jaamac ayaa Cabdilaahi yuusuf waxa uu weerar Cadaan ah ku soo qaaday Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka halkaasna uu ku qabsaday magaalada Garoowe,Ciidamada aadka u fara badnaa ee uu Mr Yuusuf ku qabsaday magaalada Garoowe oo uu ka baacsaday Maamulkii cusbaa ayaa waxaa laga soo Uruuriyey inta badan ciidankii uu hugaaminayey Gobalka Sool iyo Mudug ,ugu Danbayntii ayaa Cabdilaahi Yuusuf waxa uu u gudbay dhinacaas iyo Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari oo ay ku sii harsanaayeen Maamulka Jaamac Cali Jaamac waxaana cabdilaahi Yuusuf Gacan weyn ka siiyey dib ugu soo noqoshada Madaxtinimada Pl shacab weynaha Gobalka Sool oo kaliya ayaa la oran karaa



Cabdilaahi Yuusuf ayaa isla markii uu isku hubsaday Jagada Madaxweyne Nimada Puntland waxa uu bilaabay Qabyaalad iyo nin jeclaysi isaga oo isla markaana bilaabay in uu Reer tolkii ama gobalka Mudug kursi iyo wax qabadba uu u qabto taasina waxaa kuu cadaynaysa reerka uu ka soo jeedo jifi ahaan ayaaba haystay Madaxweyne , Wasiir, iyo Taliya Ciidanka darwiishta ,



Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxa uu bilaabay in uu iska hor keeno mas'uuliyiinta Gobalka sool ugu jira maamulka Pl gaar ahaam Maxamed Cabdi Xaashi iyo Axmed Cabdi Xaabsadde taasina waxa ay keentay in horumarkii gobaladd SSC uu dib u dhac ku yimaado khilaafkooda awgii



Markii uu bilawda Shirkii lagu qabtay wadanka Kenya ayaa waxaa ka soo qayb galay mas'uuliyiin sumcad iyo magac ku leh Dalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Raysul wasaarihii hore ee wadanka Soomaaliya Prof Cali Khaliif Galaydh iyo Jaamac cali Jaamac ,Mr Yuusuf ayaa waxa uu bilaabay dagaal uu kaga horyimaado Labadan mas'uul waxa uuna ka cabsi qabay in uu Cali Khaliif isku sharaxo madaxweyne ama Raysul wasaare oo uu Daaqada ka baxo Cabdilaahi Yuusuf isla markiina waxa uu Diiday in ay Yimaadaan Shirka Ergooyinkii Gobalka Sool qaarkood sida Garaadka Guud SSC Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac (Alle Naxariistii Jano haka waraabiyo e ) Malayshiyooyinkii u joogay Pl ayuu ku amray in aysan diyaarada soo cago dhigan Magaalada Laascaanood sidoo kale uusan Garaadku ka dhoofin Madaarada kale ee Pl, taasina waxa ay keentay in shirka Kenya kalsoonidii ay u hayeen Shacabka Soomaaaliyeed gaar ahaan kan SSC in ay lunto sidoo kale aqoon yahano badan ayaa dib ugu huleelay markii ay arkeen sida uu Mr Yuusuf wax u wado



Arintii kalee ee Shacab weynaha SSC la yaabay ayaa ahayd markii la yidhi ha la soo doorto Baarlaamka oo qolo waliba ha qaadato inteeda oo Cabdilaahi Yuusuf isaga oo isla saxan yidhi Aniga ayaa soo saaraya Xildhibaanada SSC taasina ay keentay in ay si qaawan iskugu dhacaan Siyaasiyiinta Gobaladaas sida Dr Cali Khaliif Galaydh iyo kuwa kale



Markii Cabdilaahi Yuusuf loo doortay Madaxweynenimada Soomaaliya oo uu ku fariistay kursiga Soomaaliya ayaa laga eegayey in uu si Cadaalad ah oo waafaqsan Dastuurka in uu u Maamulo Dawladdan Soomaaliyeed, Nasiib daro taasi ma aysan dhicin oo markiiba waxa uu bilaabay in uu Gobalada Bari,Nugaal iyo Mudug wax walba ka dhigo taas oo keentay in shacabka Soomaaliyeed 95% ay kalsoonidii kala laabtaan Dawladiisa



Mr Yuusuf ayaa waxa uu ku dhaqaaqay in uu Cadaadis Saaro SSC isaga oo jagadii ay xaqa u lahaayeen ee Wasiirnimada aan siin sidoo kalena dhawr Safiir oo ay la haayeen SSC uu ka qaaday, qaar ku badalay Qaraabadiisa waxaana ugu danbeeyey kii tansaaniya oo lagu badalay Booskiisa Gen Cali Madoobe



Oday Cabdi yare oo shir ku qabtay Magaalada Kismaanyo ayaa sheegay in uu la kulmay Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Sidoo kalena uu kala hadlay Maamulka J/Hoose iyo Saamiga ay ku leeydahay Beeshiisu, Odaygu waxa uu sheegay in uu ugu jawaab celiyey Cabdilaahi Dawladdi waxba kuma lihidin waana Dawlad Dib u heshiisiin markaas Askar ayaa loo baahan yahay ee Dhalinyarada Askarta Dawladda in ay qortaan ku dhiiri geli, taasina waxa ay Daliil u tahay in uu Cabdilaahi Yuusuf uu Dagaal Siyaasadeed oo qaawan kula jiro Gobaladda SSC

Cabdiqani Makhtal Maxamed

Cabdiqanimakhtal@hotmail.com

info@afnugaal.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”