Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Jahliga ama caksiga Cilmiga

Nolosha Qofka Muslimka Ah

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
ina Warfaa
Posts: 51
Joined: Thu Dec 31, 2009 4:15 am
Contact:

Jahliga ama caksiga Cilmiga

Postby ina Warfaa » Sat Dec 25, 2010 2:42 am

Jahliga ama caksiga Cilmiga

Sida lagu baran karo Diinta iyo in lagu dadaalo in la weydiiyo Culimada

Waxay dadka Diintooda ku baran karaan ama lagu fahamsiin karaa inay weydiiyaan ka dibna looga jawaabo, waana hab uu go’aamiyay Allaah, maxaa yeelay wuxuu og yahay inay dadka isku mid ahayn barashada Diintooda, sida la og yahayna dadku waagii hore ilaa iyo hadda dadka qaarkiis weli markay doonayaan inay bartaan Diintooda waxay u xeraystaan Sheekh jooga Masjid ama meel kale, iyagoo ka dibna ka barta Sheekhaas cilmigii ay doonayeen inay ka bartaan.

Waxaana dhacda mararka qaarkood inaan la helin Arday ama Xer xiisaynaysa oo diyaar u ah inay bartaan Diintooda, marmarna waxaa dhacda xertaasi ama ardaydaasi inaysan helin Caalimkii ay doonayeen inay Diintooda ka bartaan, ama waxaa dhacda inay helaan Caalimkaasi, inkastoo uusan u hayn firaaqo uu wax ku baro ardaydaasi, sidaas awgeed Allaah wuxuu sharciyeeyay hab kale ama qaab kale oo lagu baran karo Diinta, waxaadna mooddaa arinkan inuu maanta noqday xaqiiqa jirta, maadaama la helay qalab isu soo dhaweeya labada qof ee wada hadlaysa cododkooda, yacni waxaan kala jeedaa Teleefanka, kaasoo dad badan ay ku weydiiyaan su’aalahooda Teleefoonka, sidaasna dadku waxay ku baran karaan waxay u baahnaayeen.

Midda kale habkii hore ee aan ka soo hadalnay ee lagu baranayey Diinta yacni in la samaysto Sheekh laga barto Diinta waxaa ka faaidaysanaya dadka qaarkood ee damacsan maalin maalmaha ka mid ah inay ka mid noqdaan Culimada, maadaama dadka badankiisa aysan sidaas ahayn, halka habka kale ee dadku weydiiyaan Culimada wixii ay u baahan yihiin shakhsi ahaantooda ama reerkooda ay ka mas’uulka yihiin la xiriira, sidaas darteed ayuu Allaah u jideeyay habkan barashada Diinta oo ah inay dadku weydiiyaan Culimada, Culimadana u jawaabto, Siduu Allaah ku sheegay Quraanku:

(Weydiiya Culimada haddaydan garanayn) ”an-Naxl:43”.

Allaah wuxuu ku sheegay Aayaddan in ay bulshada Muslimka ah u qaybsanto laba qaybood marka laga hadlayo xagga Cilmiga: Qayb Caama ah oo wax garanayn, iyo qayb wax garanaysa, wuxuuna ku waajib yeelay qayb walba waajib, Caamada wuxuu ku waajib yeelay inay weydiiyaan wixii aysan garanayn, Kuwa la weydiinayana wuxuu ku waajib yeelay inay u jawaabaan, Aayaddanna sidaas ayaa ku cad. Nebiguna amaanta Allaah iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee wuxuu ku sii xaqiijiyay arinkan Xaddiis sugan oo ku yaala kitaabka Sunnan Abii Daauud iyo kutubo kaleba, Xaddiiska uu Jaabir Ibnu Cabdillaah al-Ansaari Eebbe ha ka raali ahaadee uu ka werinayo Rasuulka Allaah c.s.w. inuu diray Sariyya koox ciidan ah yacni inuu diyaariyay ciidan u soo dagaalama jidka Allaah, wuxuuna u sameeyay taliye ciidan sida ay farayso Sunnada, as-Sariyya waa tan duusha ee uusan la socon Rasuulka c.s.w., Gazwaduna weerartana waa tan uu la socdo Rasuulka c.s.w. uuna hogaaminayo abaanduulena ka yahay. Marka Rasuulkii Allaah c.s.w. ayaa wuxuu diray maalin koox ciidan ah, way baxeen, waxayna la soo dagaalameen Gaaladii dabadeed markii habeenkii la gaaray, dagaalkiina uu qaboobaaday ayaa waxay tukadeen cishihii ka dibna way seexdeen, waaberigiina waxay u soo kaceen salaaddii Subax markaas baa mid iyaga ka mid ah uu is arkay inuu Janaabay, waxaana waajib ku noqday inuu qabaysto, hase ahaatee wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii oo soo gaaray dhaawacyo fara badan oo jirkiisa ah, kolkaasuu wuxuu weydiiyay dadkii ka ag dhawaa waa intaasoo ay u helaan fursad uusan ku qabaysan oo ay noqoto inuu gabagabaysto yacni Tayamumto, waxay yiraahdeen: maya, waa lagama maarmaan inaad qabaysato, dabadeedna ninkii wuu qabaystay waxaana dhacday inuu sidaas u dhinto, xumaddii ayaa ku kacday sidoo kale waxaa ku kacay dhaawacyadii markaasuu sidii ku dhintay. Markii uu warkii gaaray Rasuulkii Allaah c.s.w. aad iyo aad ayuu u carooday, wuxuuna u yeeray kuwii u Fatwooday inuusan gabagabaysan karin isagoo dhaawac ah wuxuuna yiri:

(Wey dileen Allaah ha laayee maxay u weydiin waayeen markii ay garan waayeen illeen daawada Jahligu waa su’aal) Xaddiiskanna wuxuu ina tusinayaa inuu Nebiga c.s.w. uu ku booriyay kuwii u fatwooday iyagoo aan garanayn inuu waajib ku ahaa inay weydiiyaan si fatwadooda ay u noqoto mid Culimada laga qaatay, iyagase ma ahayn Culimo markaasay u fatwoodeen ninkii dhaawaca ahaa jaahilnimadooda, fatwadoodiina waxay keentay inuu ninkii u dhinto. Sidaas darteed waxaa ka mid ah sida la oggol yahay in Diinta lagu barto adigoo weydiinaya sidaan soo sheegnay, sidoo kale waxaan soo sheegnay sida Aayaddii la soo dhaafay sheegtay inuu Allaah ku waajib yeelay qaybta kale ee bulshada Muslimka ka midka ah yacni Culimada inay u jawaabaan, lamana oggola haddii qof Caalim ah la weydiiyo mas’alad uuna u leeyahay cilmi inuu markaasi ka jawaabo mooyee siduu ku yiri c.s.w. Xaddiskii caanka ahaa ee saxiixa ahaa:

“Qofkii la weydiiyo wuxuu cilmi u leeyahay oo uu qariyo maalinta Qiyaamaha waxaa la galiyaa Naarta”.

Waxaa ka mid ah Aadaabta su’aasha annagoo ka faaideysanayna fursaddan inuu qofka Muslimka ah weydiiyo wixii la xiriira noloshiisa hadday ahaan lahayd noloshiisa khaaska ah ama reerkiisa i.w.m. waa inuusan weydiin arimo aan la xiriirin noloshiisa ama mala awaal ah.

Waxaan kaloo idin xasuusinayaa inaysan qasab ku ahayn qofka Caalimka ah inuu ka jawaabo su’aal kasta oo la weydiiyo waxaa ka mid ah Aathaarta Salafiyada qofka ka jawaaba wax alla oo la weydiiyo waa waalan yahay, maxaa yeelay waa siduu Allaah yiri:

(La idin ma siin Cilmiga wax yar mooyee) “al-Israa:85”.

Sidoo kale Aathaarta qaarkeed ee soo aroortay waxay oronaysaa: Cilmiga barkiisu waa ma garanayo.


Waxaana maqaalkan ka turjumay Cajaladda la yiraahdo Silsila al-Hudaa wa Nuur ee laga duubay al-Muxaddis al-Faqiih Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani -Eebbe ha u naxariistee-.

Waxaana turjumay CabdiRisaaq Maxamed Cilmi "ina Warfaa" ina_warfaa@hotmail.com ama http://www.freewebs.com/ina-warfaa

KeligiiJabhad
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 939
Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
Location: TURMO

Re: Jahliga ama caksiga Cilmiga

Postby KeligiiJabhad » Wed Mar 16, 2011 8:56 pm

Bismillah....
Ina Warfaa, aad baad ugu mahadsan tahay sida aad wax inoogu iftiimisay. Khayrka aad ka shaqayntiisa haysana Eebbe [SWT) ha kaa abaal mariyo, Aamiin!

User avatar
abuu_dujaana
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 349
Joined: Wed Oct 28, 2009 1:10 pm

Re: Jahliga ama caksiga Cilmiga

Postby abuu_dujaana » Fri Jun 24, 2011 11:31 pm

Asalaamu calaykum waraxmaTulaahi wabarakaatu.

Ustaad jizaakaLaahu khairan calaa qidmatika.

Ustaad dhalinyarta maanta jooggaan cilmiga barashadiisa uma soo jeedaan, sababtoo ah waxay excuse ka dhigteen busy baan nahay.
sidaas darteed waayahaan denbe waxaa batay suaalaha diiniga ah
sheikhow anaga caamo ayaan iska nahayee ee diinta maxay ka qabtaa arrintaan inooga jawaab.
soo la yaab ma aha 20 jir ah isku tirinaayo caamo! meeshaas waxaa ka muuqata inaysan himad sare lahayn.

Suaal gaar ah: websitekaaga ayaan maanta fiiriyey maasha Allaah waaye weliba waxaan ku arkay kitaaba badan oo naafic ah
waxaan raadinaayey kitaabkan Maqaamaatul Xariiri oo pdf ah(waxaa qoray sheikhii Mulxatul icraab ) intee ka heli karaa? haddii ay macquul tahay websitekaaga maku soo dari kartaa
gabdhahaan Somalinet oo sheekooying romantica jecel ayaan u akhrin lahaay


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Islam - Islamic Way of Life”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests