Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Waxaa ka mid ah Bidcada Jimcada:

Nolosha Qofka Muslimka Ah

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
ina Warfaa
Posts: 51
Joined: Thu Dec 31, 2009 4:15 am
Contact:

Waxaa ka mid ah Bidcada Jimcada:

Postby ina Warfaa » Sun Jun 24, 2012 12:40 pm

Waxaa ka mid ah Bidcada Jimcada:

Bidcada salaadda Sunnada hore ee Jimcada

Al-Callaama Sheekh Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani -Eebbe ha u naxariistee- wuxuu ku yiri ”Silsila al-Hudaa wa Nuur (003/03) markii la weyddiiyey salaadda Jimcada ma leedahay Sunno horteed la tukado?

Sheekh Albaani wuxuu ku jawaabay ma jirto salaadda Jimcada Sunno ay leedahay oo horteed la tukado. Sunnadan Jimcada ee ay yaqaanaan maanta dadka badankiisa asal kuma laha Sunnada. Maxaa yeelay Xaddiiska ku soo arooray Saxiixul Bukhaariga oo ah Kitaabka ugu saxsan marka laga yimaado Kitaabka Eebbe ee tebintiisu ay ka sugan tahay as-Saa’ib Ibnu Yaziid wuxuu yiri:

Wuxuu ahaa Aadaanku waqtigii Nebiga amaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee ”Aadaanka koowaad oo keliya” markuu koro Rasuulku a.n.k. Minbarka waxaa addimi jirey Mu’addinka, markuu dhammeeyo Mu’addinka aadaanka, wuu istaagi jirey Rasuulka a.n.k. si uu u khudbeeyo. Mana jirto goor la tukado Sunno Jimce oo horteed la tukado.

Sunnada maalinta Jimce waxay tahay inuu qofka Muslimka ahi markuu yimaado Masjidka hadday ahaato waqti hore iyo waqti dambeba inuu tukado wixii uu jeclaysto oo uu ka gaaro hadday ahaan lahayd laba rakcadood, afar rakcadood, lix rakcadood, siddeed rakcadood iyo wixii ka badanba. Maxaa yeelay salaadahani waa Sunno, ma aha Sunno uu xaddiday Rasuulka amaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee. Hase ahaatee Sunnadan ay tukanayaan dadka ”labada Aadaan dhexdooda” ee salaadda Jimcada iyagoo u haystaan inay tahay salaad Sunno oo la tukado Salaadda Jimcada horteed ma aha wax uu yaqaanay Nebiga amaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee.

Diyaariye CabdiRisaaq Maxamed Cilmi ”ina Warfaa” ina_warfaa@hotmail.com http://www.freewebs.com/ina-warfaa

Maandhow
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 581
Joined: Sun Nov 27, 2011 6:56 am
Location: Nisabor

Re: Waxaa ka mid ah Bidcada Jimcada:

Postby Maandhow » Sun Jun 24, 2012 6:16 pm

jizaakaLaahu khairan akhuuna Ina warfaa

User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: Waxaa ka mid ah Bidcada Jimcada:

Postby Somaliman50 » Sun Jun 24, 2012 6:52 pm

:up: waxaan isku khaldayay salaadi labada aadaan dhexdeeda iyo midaan la tukado kolkii masjidka lasoo galo, oo nebiga calayhi salatu wasalam siduu yiri 'ithaa dakhala minkum fil masjid fasalee rakcateen'. ow kamaa qaal.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Islam - Islamic Way of Life”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests