Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dableey wadata dareeska ciidamada DKMG ah oo boob ka geystay

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Dableey wadata dareeska ciidamada DKMG ah oo boob ka geystay

Postby Hiiraan boy » Mon May 14, 2007 5:40 am

Mogadishu 14, May.07 ( Sh.M.Network) Rag labisan dareeska ciidamada dowladda kMG ah ee Somalia ayaa dhac iyo boob ka geeystay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, xilli shalay ciidamo boolis ah la keenay isgoysyo ku dhow suuqaasi.

Falkaan oo ka dhacay qeybta dawada ee suuqa Bakaaraha ayaa waxaa geeystay 3 nin oo labisan dhar tuuto ah, kuwaasi oo ganacsatada ku amray in ay baaritaano ku sameeyaan goobahooda, iyagoo sheegaya in ay yihiin ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia ee hubka dhigista ka wada caasimadda.

Raggaan ayaa waxa ay boobka ugu xoogan ka geysteen bakhaar weyn oo dawada lagu iibiyo, iyagoo soo galay bakhaarkaasi deetada ku amray milkilaha bakhaarka in uu furo qasnadda, iyagoo markaasi ka dibna ka qaatay lacag wali aan sheegin cadadkeeda sida ay sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada oo codsaday in aan la shaacin magacooda sababo xagga amaanka ah.

Ganacsatadii kale ee goobahaasi ka agdhowaa ayaa markii ay ka war heleen falkaan boobka ah waxa ay albaabada isugu dhufteen goobahooda ganacsiga, taasi oo keentay in suuqa uu noqdo meel cidlo ah, iyadoo aan la gaarin waqtiga ay rawixi jireen ganacsatada galinkii dambe ee shalay.

Arintaan ayaa cabsi iyo walwal ku beertay ganacsatada gobolka Banadir oo ku cabanaya in hubkii ay isaga dhici lahaayeen kooxaha wax booba ay ku wareejiyeen dowladda KMG ah ee Somalia, isla markaana haatan lagu dhacayo dareeskii dowladda KMg ah.

Lama oga hadii raggaasi ay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda KMG ah iy haddii ay ahaayeen rag isku soo ekeeysiyay, waxaana ay ku soo beegmeysaa, xilli shalay ciidamo boolis ah la dhigay qaar ka mid ah wadooyinka soo gala suuqa Bakaaraha oo horey ay u joogeen ciidamo Militari ah oo halkaasi laga qaaday.

Waxaana ciidamadan booliska ah ee la wareegay isgoysyada Aadan Cadde iyo H/wadaag ay ka dambeysay baaq ka soo baxay ganacsatada suuqa Bakaaraha sida Gudoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha Cali Dheere oo codsaday in ciidamo boolis ah la keeno wadooyinka soo gala suuqa oo falal dhac iyo baarasho ah ay ka wadeen kooxo aan la garaneyn.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 33 guests