Xoghayaha Gudida Biriijka labaad ee Hargeysa Cabdi Raxman Cumar Siigo ayaa sheegay in dhismaha Biriijkaas ay ku baxeeyso in ka badan halmilyan iyo boqol kun oo dollar ,isagoo dhinaca kalana xusay in hoowsha biriijka labaad ee Hargeysa ay u socoto sidii loogu tala galay,wuxuuna dhinaca kale xusay in hoowsha biriijka loo wado hadba sidii loola jaanqaadi lahaa roobabka waaweyn ee waqtiyadaan oo kale ka da’a dalka Somaliland,loona yaqaan Gu’a .
Cabdi Raxmaan Cumar oo u waramayay Waagacusub wuxuu sheegay in la bilaabayo qeybtii labaad ee Piles-ka ahayd .
Dhismaha Biriijka labaad ee Hargeysa oo ay ka qaybqaadanayaan guddi ka kooban 17 xubnood oo ka kala socda,Xukumadda,Ganacsatadda,Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka Degaanka Hargeysa ayaa hoowl bilaabay 15-kii Febaury ee sanadkaan 2007 ,iyadoo haatana uu biriijka u muuqdo mid lagu guuleeystay inta badan dhismahiisa.
Dhismaha Biriijka labaad ee Hargeysa marka laga qiyaas qaato lacagta ku baxeeyso waxaa qof waliba dareemi karaa inay jiraan baahiya dhaqaale maadama lacagta lagu dhisayo ay tahay mid Sanduuq loo furay oo ay ku tabar rucayaan dadka Reer Somaliland.
http://waagacusub.com/biriijka%20labaad%20ee%20har.htm