HEESTA CALANKA DALKA SOMALILAND.
Calanyahaw babanayaa
Dhaaxay casuusiyo
Cawlaanka boodhkiyo
Ciiradu ku saarayd
Cuseyb duugi kuu xigay
midabkaagu caawana
Casaan iyo caddaaniyo
Waa cagaarka dooggoo
Caadil magaci lagu dhigay.
Heegan ciidankaagaa
Kaa ilaasha cadawgoo
Culumadaadi diintiyo
Carruurtiyo haweenkaa
Ku salaamay calanyahow.
Cilladdii sal guurtoo
Cilmi iyo aqoonbaa
Caqligii yaboohshoo
Collob gaaxsanaydiyo
Cimilada haboonbaa
Carradii ku baahdoo
Dhalinyaro cuddoon baa
Ku caleemo saartee
Cawri iyo ilba la’aw.
Heegan ciidankaagaa
Kaa ilaasha cadawgoo
Culumadaadi diintiyo
Carruurtiyo haweenkaa
Ku salaamay calanyahow
Cirkii baa da’aayoo
Balliyada camirayoo
Cuudkii baa dhalaayoo
Qawl caaro bixiyiyo
Cosob iyo tigaadiyo
Kob caleen leh joogoo
Caanihii la lulaybaa
Codcodka iyo faarkii
Weelka laga cidaadaa.
Heegan ciidankaagaa
Kaa ilaasha cadawgoo
Culumadaadi diintiyo
Carruurtiyo haweenkaa
Ku salaamay calanyahow.
Waxaa heestan calanka tiriyay Dr: Ibraahim Xuseen "Cirro Suge"