Hogaamiyeyaasha dhaqanka beesha Gaaljecel oo cambaareeyay fal lagu qafaashay odayaal beeshaasi ah
Hogaamiyeyaasha dhaqanka beesha Gaaljecel ayaa maanta cambaareeyey fal lagu qafaashay 3 ka mid ah odayaasha beeshaasi kuwaasoo u tegay degaano hoosataga degaanka Beerxaani ee gobolka J/hoose sidii ay u baari lahayeen cidii ka dambeysay fal dil ah oo loo geystay nin ka soo jeeda beesha Sadde oo lagu eedeeyey beesha Gaaljecel inay ka dambeeyeen.
Suldaan C/rashiid Dhure oo Sulaanka beesha Gaaljecel ayaa sheegay inay wax lagu xumaado tahay in odayaal naabdoono ah oo u tegey degaanka Beerxaani inay soo xaqiijiyaan eedeynta loo jeediyay beeshooda taasoo ku aadaneyn in nin ka soo jeeda beeshaasi uu dilay nin kale oo ka soo jeeda beesha Sade, isagoo xusay in markii ay soo indha indheeyeen oo ay doonayeen inay natiijadii ay soo ogaadeen kula soo laabtaan odayaasha beesha Gaaljecel la xiray.
Sidoo kale, oday dhaqameed u hadlay beesha Sade oo lagu magacaabo Max’ed Bashiir Madoobe Yarow ayaa beeniyay eedeyntaasi “Ma jirto cid aan afduubanay, anagaaba dhibaato naloo geystay” ayuu yiri.
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray degaanada Beerxaani ayaa waxa ay sheegayaan in saddexdii oday la sii daayay isla markaana ay haatanba dib ugu laabteen degaanadii ay ka yimadeen.
Garaad Salaad Xirsi
garaadcadde@hotmail.com