Maxamed Dheere sent him packing
Afhayeen Xuubsireed oo Muqdisho isaga dhoofay kadib markii uu ka carooday sii deeynta Wariyaasha Universal.
Muqdisho , Arbaco, May , 23 , 2007 Waagacusub.com
Xuseen Xuubsireed oo ah Tifaftiraha Website-ka Idamaale iyo Afhayeenka Cabdilahi Yusuf ayaa Muqdisho isaga baxay Saakay kadib markii ay is afdhaafeen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb oo sii daayay Wariyaal u xirnaa Xuubsireed mudo bil iyo bar ah.
Xuubsireed ayaa la sheegay inuu Fariisin ka dhigan doono Miuqdisho si uu dib ugu hoowlbilaabo website-kiisa Idamaale oo war la'aan ahaa tan iyo Markii uu noqday Afhayeenka Cabdilahi Yusuf.waxaana laga yaabaa inuu Mucaarado Maamulka Maxamed Dheere ee gobolka Banaadir