I am not an expert in Somali poetry, but Qamaan had an amazing talent and wisdom.
Here is one of his stories:
Qoyska Qamaan Bulxan oo meel degan ayaa waxaa kusoo baxay niman safar ah oo u muuqday inay reerka ku hoyaad yihiin. Qamaan ayaa kob dheer ka arkay. Intuu horay aqalkiisii u galay ayuu haweenaydiisii wuxuu ku yidhi " Nimankaa safarka ahi haddii ay ku yidhaahdaan Qamaan ma joogaa; maya dheh. Haddiise ay ku yidhaahdaan Qamaan Bulxan ma joogaa haa dheh."
Nimankii safraha ahaa, sidii iyagood moodo inay Qamaan uur ogaayeen ayey afadiisii waxay weydiiyeen "Qamaan Bulxan ma joogaa?" Haweenayda inay hilmaantay iyo in ay iyada naf ahaanteedu ujeedo kale lahayd Ilaahay baa u cilmi leh, waxayse nimankii ugu jawaabtay "mayee Qamaan Bulxan ma joogo." Sidaa ma ahayn siduu Qamaan kula dardaarmay, aqalkiisii gudihiisana wuu ka maqlayaa hadalkooda. Intuu kor u soo baxay ayuu tixdan tiriyey Qamaan:
----------------------------------------------------
Naag yahay nin lagu soo hirtoo, heelan baan ahaye
Ma huluulan karo buul anooy, timihii haarmeene
Waa kaa raggaan ka hambas idhi, galayo haybtiiye
Waxaan heli waxaan haaban karo, iyo waxaan haysto
Hiyiguba wuxuu doonayaa, inaan hibeeyaaye
Iyagaa intay hiish baxshaan, heesi dabataale
Oo ku hilbo qaybsada waxay, hor Alla gaysteene
Ma Hartaynu nahay soorta maad, hadal la'aan dhiibtid?
------------------------------------------------