Cadde "Gorilla" Muse is going to climb the tallest building in Bosaso like King Kong. He soon will be back at Tim Horton's in Toronto
BAARGAAL : Warar iskhilaafsan oo ka soo baxaya Kooxdii wadaada ahayd ee la shegay in ay galeen deegaankaasi
Posted to the Web May 31, 15:09
Baargaal:-Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya xaalada magaalada Baargaal ee Bariga fog ee Puntland , waxaana maalinimadii shalay ahayd uu Puntlandpost baahiyay waraysi aan la yeelanay Guddomiyaha gobolka Bari oo sheegay in koox alqaacida ah oo ajaaniib u badan ay halkaasi galeen iyakoo dhanka xeebta ka soo dagay , doon ay wateena laga helay waxyaalaha qarxa , islamarkaasna la qabtay baabuur gurmad u ahaa kooxdan oo ka yimid Boosaaso.
Hadaba , waxaan samaynay xiriiro kala duwan ee ku aadan xaalada dhabta ah ee ka jirta Baargaal , waxaana noo suurgali waysay in aan helno war xaqiiq ah oo isku mid ah oo aan ka helno deegaankaasi , wararka Iskhilaafsan ee aan ka helnay Baargaal ayaa kala ah:
In koox Wadaado dhalinyaro ah oo deegaankaasi ka soo jeeda ay halkaasi gaareen , ku waa soo watay hal laash
In koox wadaado ah oo doonaya in ay dhoofaan oo ka tahriibaan deegaanka Bargaal ee xeebta ah
In koox wadaado ah oo xagjir ah oo ay waheliyaan ajaaniin ay deegaankaasi meel u dhow lagu arkay
In ay kooxdan oo ah kuwo xagjira ay buuralayda deegaanka ay galeen oo ay yihiin kuwo hubaysan isla markaasna tababaran
Arimahan oo dhan ayaa ka soo burqanaya deegaanka Baargaal , inkasto maamulka gobolka Bari uu isagu ku adkaystay in ay kooxdan yihiin alqaacida ajaaniib ah oo ka yimid raaskabooni.
Xafiiska-Boosaaso-Puntlandpost.com