Mudane ka tirsan baarlamanka Somalia oo ka badbaaday isku day dil
Click here to find this article in English
Mogadishu 24, June.07 ( Sh.M.Network) Mudane ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa ka badbaaday isku day dil ka dib markii gurigiisa oo ku yaala degmada Afgooye ay ku soo weerareen kooxo hubeysan oo aan la garaneyn.
Kooxo aan la garaneyn ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday guriga xildhibaan Xuseen Cismaan (Xuseeneey), iyadoo israsaaseyn ay dhex martay ilaalada xildhibaanka iyo kooxaha weerarka soo qaaday.
Xildhibaan Xuseen Cismaan oo saxaafadda uga war bixiyay saakay weerarkii lagu soo qaaday ayaa waxa uu sheegay in uu ka badbaaday isku day dil, isagoo sheegay in ilaaladiisa ay iska caabiyeen kooxahaasi oo gaarayay ilaa 3 nin oo ku hubeysnaa qoryaha fudud.
Waxa uu sheegay in aanu garaneyn sababaha loo soo beegsaday iyo kooxaha soo weeraray heyb ahaantooda.
Waa markii ugu horreysay oo uu dhaco isku day dil lala damacsanaa mudane ka tirsan baarlamanka Somalia tan iyo markii dowladda KMG ah ay u soo guurtay caasimadda 6 bilood ka hor markii Maxkamadahii islaamka ee maamulayay caasimadda ay xukunka ka tuureen ciidamada Ethiopia oo taageerayay kuwa dowladda.
Click here to find this article in English
Shabelle Media Network Somalia