Iska horimaad sababay dhimasho oo ka dhacay duleedka mag. Kismaayo
Click here to find shabelle news in English
Kismaayo 26, June.07 ( Sh.M.Network) Hal qof ayaa ku geeriyooday tiro kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray iska horimaad shalay ka dhacay deegaanka Beerxaano ee duleedka magaalada Kismaayo.
Dhimashada qofkaan iyo dhaawaca labada kale ayaa waxa ay ka dambeysay ka dib markii shalay labo maleeshiyo beeleed uu iska horimaad ku dhex maray deegaanka Beer-xaano, xilli maalmahani ay ka socdeen halkaasi dadaalo lagu heshiisiinayo labadani beelood.
Nabadoon Max'ed Bashiir oo ka mid ah odayaasha mid ka mid ah labadani beelood ayaa shabelle u xaqiijiyay in iska horimaadkaan uu yimid ka dib markii si lama filaan ah ay isaga horyimaadaan labada ciidan, isagoo ugu baaqay labada dhinac in ay is dajiyaan.
Sidoo kale xiriir aanu la sameynay Suldaan Rashiid Dhurre oo ka mid ah odayaasha beelahani is haya ayaa waxa uu sheegay in aanu ka war heyn sida ay wax u dhaceen, laakiin uu ugu baaqayo labada dhinac in ay muujiyaan daganaan.
Colaadaha u dhaxeeya labadani maleeshiyo oo soo jirey muddo dheer ayaa waxaa la aaminsan yahay iska horimaadyo badan oo dhex maray labada maleeshiyo in ay ku nafwaayeen in ka badan 20 ruux halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen 6dii bilood ee la soo dhaafay.
Click here to find shabelle news in English
Max'ed Axmed
Shabelle Media Network Somalia