Kooxo hubeysan oo xasuuq ugu geystay tuulada Coomaad ee G/Hiiraan odayaal u fadhiyey dhexdhexaadinta labo beelood oo halkaas horey ugu dagaalamay
Ilaa 7 qofood ayaa dhintay, tiro kalena wey ku dhaawacmeen, ka dib markii maleeshiyooyin hubeysan ay duhurnimadii maanta ku xasuuqeen deegaanka Coomaad oo dhinaca bari ka xiga magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan odayaal iyo waxgarad halkaasi ku kulansanaa, kuwaasoo ka arinsanayey xalinta khilaafaad iyo dagaalo halkaasi ku dhexmaray maalmihii la soo dhaafay labo beelood oo halkaasi wada dega sida ay sheegayaan wararkii ugu horeeya ee halkaas naga soo gaaraya.
Odayaashan ka kala socda labada beelood ee khilaafku u dhexeeyey oo labadii maalmood ee ugu dambeysay ku sii qulqulayey deegaanka Coomaad si ay xal uga gaaraan dagaalo ka dhacay halkaasi ayaa xasuuqa loo geystay waxaa uu yimid ka dib markii maleeshiyooyinka beel ka mid ah beelaha dhexdhexaadintooda loo fadhiyey oo halkaasi ku sugnaa ay rasaas ooda kaga qaadeen odayaasha oo xiligaasi u fadhiyey falanqeynta colaada halkaasi ka jirtay, taasoo keentay in halkaas lagu kala cararo, waxaana dadka goobtaasi ku dhintay oo ilaa hadda gaaraya 7 qofood iyo kuwii ku dhaawacmayba ay dhamaantood ahaayeen odayaashii garta u fadhiyey deegaankaasi, waxaana odayaasha ka mid ahaa Ugaas khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan lamana oga ilaa hadda inuu ka mid yahay dadka ay halkaasi waxyeeladu ka soo gaartay iyo in kale.
Dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ayaa la soo gaarsiiyey gudaha magaalada Kismaayo ee gobolka Hiiraan, iyadoo la sheegayo ijn tuuladaasi uu mar kale dib uga qarxay dagaalkii u dhexeeyey labada beelood ee walaalaha ah, waxaana lagu waramayaa in maleeshiyooyinka dhibaatadaasi geystay ay ahaayeen kuwo gadoodsan oo aan ku qanacsaneyn qaabka ay odayaashaasi u wadeen dhexdhexaadinta, waxaana soconaya dedaalo ay wadaan mas’uuliyiinta iyo ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan magaalada B/weyne kuwasoo ku aadan sidii loo joojin lahaa colaadaasi dib uga bilaabatay deegaanka Coomaad ee gobolka Hiiraan.