Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo saraakiisha beesha Sadde e

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo saraakiisha beesha Sadde e

Postby Hiiraan boy » Sat Jun 30, 2007 6:17 am

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo saraakiisha beesha Sadde ee ku sugan Kismaayo oo ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray madaxweyne Yuusuf ee ahaa..

Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ka soo jeeda beesha Sadde ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa ka jawaabay hadalkii shalay ka soo yeeray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ee ahaa in magaaladaasi ay gacanta ku hayaan kooxo diidan dowladda Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay in hadalkaasi uu yahay mid laga xumaado oo xaqiiqada ka fog, waxayna xuseen in magaalada Kismaayo iyo maamulka gacanta ku hayaba ay horey u sheegeen, mar kalena ku celinayaan iney taageersan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya.

Axmed Cabdi Cumar (Sandheere) oo ahaa guddoomiye ku-xigeenka gobolka J/hoose oo ka mid ahaa mas’uuliyintii ka hadashay arintan ayaa sheegay in hadalada madaxweynaha ay yihiin kuwo nasiib daro ah oo aan dhexdhexaad aheyn, wuxuuna tilmaamay in Magaaladaasi ay si caadi ah uga howlgalaan guud ahaan hey’adaha kala duwan ee dowladda federaalka “Madaxweynaha hadaladiisa waxaa ka muuqatay inuusan la socon xaqiiqada Kismaayo taala, waxaana loo sheegay waxyaabo aan jirin oo la been abuuray, ma jiro qabiil ka taliya magaalada Kismaayo dowladda ayaana si buuxda uga talisa” ayuu yiri Sandheere oo sheegay in ay iyagu ay ogol yihiin dhexdhexaadin laga galo waxyaabihii ka dhacay Kismaayo oo laakiin ay ka socon weysay dhinaca kale ee dibeda jooga.

Sidoo kale, C/risaaq Cali Faarax (Taano) oo ka mid ah mas’uuliyiinta beesha Sadde ee gacanta ku heysa magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa sheegay ineysan jirin beel gacanta ku heysa magaalada Kismaayo oo ka soo horjeeda dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in dagaalkii ka dhacay magaalada ay sababteeda lahaayeen saraakiisha ciidamada ee ay soo magacowday dowladda Soomaaliya haatana dibeda ka jooga magaaladaasi, kuwaasoo uu sheegay in waxa dhacay uu ku yimid khaladaad ay sameeyeen saraakiishaasi, balse uusan aheyn mid ku saleysan diidmo la diidan yahay maamulkii ay dowladdu soo magacowday oo uu xusay in haatanba ay ka taliyaan magaalada Kismaayo, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in dad dowladda taageersan lagu tilmaamo iney yihiin kuwo dawlad diid ah.



Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia
dayniilecom@hotmail.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 75 guests