He claimed Abdullahi Yusuf was targeted only once and him four times and he asks why??
Mohamad Dheere, Nur Daqhle, Dhagax Tuur and Geedi are from one sub clan which is always targeted.
He forgets Sheikh Shariff Sheikh Ahmad, the Amir of the somali people comes from the same sub-clan.Mohamad Dheere targed Engineer Eenow who is his very close family.
Any one who is fair knows the majority of dabadhilifs killed are Habar Gidir and Murursade, killed by their own clansmen.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max'ed Cumar Xabeeb M/dheere ayaa ka dhawaajiyay in lagama maarmaan ay tahay in beelaha Hawiye dhexdooda la heshiisiiyo isla markaana ay jirto xurguf siyaasadeed oo weyn oo u dhaxeeya beelahan, sida uu hadalka u dhigay Mr. dheere.
Max’ed dheere ayaa ku mincneeyey in xalinta khilaafka u dhaxeeya beelaha Hawiye uu fure u yahay helista xuquuqda beelahaasi Hawiye.
Dhinaca kale, Max’ed dheere ayaa tilmaan kale u soo qaaday inuu jiro khilaaf u dhaxeeya beelaha walaalaha ee Hawiye isagoo sheegay in inta badan qaraxyadii ka dhacayay magaalada Muqdisho ee lala beegsanayay mas’uuliyiinta dowaldda iyo kuwa maamulka gobolka Banaadir ay ahaayeen kuwo loo geystay shaqsiyaad ka soo jeeda hal Jufo, cida beegsatayna ay tahay jufo kale oo uu dagaal kala dhaxeeyo.
“Hadii aan tusaale soo qaato 24 qarax oo loo geystay mas’uuliyiinta Qaranka, 4 ka mid ah waxaa loo geystay ra’iisal wasaaraha oo la doonayay in la dilo, inta kalena waxaa loo kala geystay aniga, Nuur Daqle iyo Dhagaxtuur” ayuu yiri isagoo xusay in cida qaraxyadaasi u geysatayna ay ku tabayaan jufo ka tirsan isla beesha Hawiye, taasoo yiri “Dadka oo dhan wey yaqaanaan beeshaasi balse ma sheegayo”.
Hadlaka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xilli uu fashilmay shir maanta la filayay inuu ka dhoco magaalada Muqdisho kaasoo lagu dhameyn lahaa khilaafaadka u dhaxeeya beelweynta Hawiye oo iyadu xilligan ay ku jiraan dad badan oo kala fikir duwan.
Xafiiska wararka xog-waran ee Muqdisho
xog-waran@hotmail.com