Qaar ka mid ah beelaha SOomaliyeed oo qeylo dhaan xogan ay ka soo yeereyso.
----- Posted to the Web Sunday 15 July, 2007 -----
Qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa qeylo dhaan aad u xoog badan ay ka soo yeereysaa, iyada oo beelaha qaarkood ay eedeyn u jeedinayaan guddiga qaban qaabada shirka.
Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka SOomaaliyeed, kuna sugan magaalada Nairobi ayaa sheegtay in guddiga qaban qaabada ay shirka habkii loogu talo galay ka wareejiyeen, iyada oo sheegtay in Beesheeda Yaxar oo ka mid ah point five-ka laga reebay shirka.
Maxamed Cusmaan Maye oo isna xildhibaan kale ah ayaa sheegay in gudoonka shirka uu qabiil ku dhisan yahay, ayagana ay sida ay doonaan ay ka yeelayaan xubnaha ka qeyb galaya shirka.
Beesha Sade ayaa sheegtay in shirka aaney manta ka qeyb galeen, iyaga oo sheegay in xubnihii Sade ee Jubooyinka aan shirka laga qeyb gelin, sidaas darted ay iyaguna qaadaceen shirka.
Beesha Sheekhaal Reer Aw-Xasan oo Ugaaskooda uu la Hadley saxaafada ayaa sheegtay in gudoonka shirka ay wax is daba mariyeen.
Ergadii beelaha digil iyo Mirifle uga qeyb geli lahayd shirka ayaa qaadacdey ka qeyb galka shirka, kadib markii wax laga bedelay xubnihii shirka ay u soo dirsan lahaayeen, inkastoo markii dambe la xaliyay taasi, ayna sheegeen in ay berito haddii gaadiid ay helaan u soo ambabaxayaan xarunta shirka.
Beelaha qaarkood ayaa ka cabanaya gaadiidkii daabuli lahaa oo aan lo soo dirin, halka beelaha kalena ay ku doodayaan in fara gelin lagu sameeyay xubnihii shirka ay u soo dirsan lahaayeen.
Mohamed Ali Madka
Muqdisho-Somalia