Somali News
Muslima.com is a Muslim marriage and matrimonials site that assists people to find a Muslim partner for friendship or marriage. You can use our site to meet Muslim singles , Muslim ladies seeking marriage, Muslim chat, Muslim friends or Muslim penpals . Our site is one of the largest Muslim matrimonials and personals sites with single Muslim women and men from all over the world.:
News from Somalia in Somali
Islam Women For Dating
Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Leyla-kase oo cabasho ka muujiyey inaan lagu casuumin Shirka Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia
Muqdisho, Talaado, Julaay 17, 2007 SMC
Waxaa isa soo taraya Cabashooyinka ka soo baxayo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha iyo Jufo-hoosaadyadda, kuwaasi oo saluug xooggan ka muujinaya inaysan wax Ergo ah ka helin Ergooyinka lagu casuumay Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia,
Ugaas C/raxmaan Maxamed Seen-laawe, oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ugu jilibka weyn mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ee wax ka degga Goballadda W/bari iyo Jubbooyinka ee Somalia, ayaa saluug-dhaqameed xooggan ka muujiyey inaan Beesha uu Duubka u yahay aan hal xubin laga siinin Ergooyinka lagu casuumay Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia.
Ugaas C/raxmaan Seen-laawe, oo Idaacadda Somaliweyn la soo xiriiray isagoo ku sugan Magaalladda Kismaayo, waxa uu si kulul u sheegay inay Beesha ku dulman tahay marka la eego qaababka Beelaha Somalia loogu qeybiyo Ergooyinka Shirweyne kasta oo Qaran, waa sida uu hadalka u yiri.
Ugaaska, waxa uu mar kale ugu baaqay Dowladda Federalka iyo Guddoonka Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia inay tixgeliyaan cabashadooda, isla markaana loo oggolaado Xubnaha uu soo magacaabay inay Shirka ka qeyb galaan.
Dhinaca kale, Afhayeenka Beesha Layla-kase, Axmed Ismaaciil “Oday-bari” , ayaa sheegay inay Guddoomiyaha Guddiga Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaja Somalia, Md. Cali Mahdi Maxamed u gudbiyeen qoraal cabasho ah oo ay ka muujinayaan inaan wax ergo ah laga siinin xubnaha Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta.
Afhayeenka, waxa uu ku dooday inaan Beeshiisa wax ergo ah laga sinin Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta, wuxuuna soo bandhigay Codsigii ay u direen Guddiga Shirka Dib-u-heshiisiinta iyo Liiska magacyadda Ergooyinka ay u soo xuleen Shirka, kuwaasi oo ay tiradoodu dhan tahay 8-qof, oo isagu ka mid yahay.
Somaliweyn Media Center (SMC)
Nairobi Kenya