Ugaaska Beesha Ceyr “Shirka Muqdisho ka socda anigu ma tegin, wakiilna uma dirsan, maxaa yeelay Ceyr waxa laga dhigay mid la dil
Posted August 28th, 2007 by BaraxleySomali
Ugaaska Beesha Ceyr “Shirka Muqdisho ka socda anigu ma tegin, wakiilna uma dirsan, maxaa yeelay Ceyr waxa laga dhigay mid la dilay, mid la dhawacay iyo mid naftiisa la baxsaday”
Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ah ugaaska Beesha Ceyr oo ka tirsan beelaha H/gidir ayaa isagoo ku sugan deegaanka Guriceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya waxaa markii ugu horeysay uu ka hadlay mowqifkiisa ku aadan shirka dib u heshiisiinta Qaran ee beelaha Soomaaliyeed uga socda magaalada Muqdisho iyo sababaha keenay inuu ka soo qeyb geli waayo shirkaasi oo haatan heer gebo gebo ah maraya.
Ugaaska ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin la nabadeeyo balse aysan jirin ilaa hadda cid shirka ka socda Muqdisho isaga wakiil uga ah oo ka qeyb geleysa, “Waxaad ogtihiin in intii uu Xamar ka socday shirka hadda la sheegayo ay umaddii ku baaba’day, lagana dhigay waxa ku le’day iyo wax ka qaxay” ayuu yiri Ugaaska oo intaa ku daray in ka qeyb galka beesha Ceyr ee shirkaasi ay ku xiran tahay in marka hore ay arintaasi iskaga yimaadaan waxgaradka, siyaasiiyinta iyo qeybaha kala duwan ee Beeshaasi ay ka kooban tahay, kuwaasoo uu xusay iiney go’aan ka gaari karaan arintaasi, wuxuuna tilmamay inaaney jirin ilaa hadda meel ay ku kulantay oo ay iskaga wareysatay ka qeyb galka shirkaasi.
“Beelaha Soomaaliyeed oo dhan waxay leeyihiin Ugaasyo, aniguna waxaan ahay Ugaaska beesha Ceyr, waxaana shirkaas ka qeyb galayaa marka ay beesha siyaasiyiinteeda iyo waxgaradkeeda ka soo qeyb galaan, maxaa yeelay Ceyr waxaa laga dhigay nin dhintay, nin dhaawacmay iyo nin cararay, waxaana cadeynayaa in shirkaas aniguna aanan tegin cid iga wakiil ahna aysan joogin” ayuu yiri Ugaaska Beesha Ceyr oo dhinaca kale sheegay in gobolada dhexe ay ka wadaan kulamo ay ku doonayaan iney ku heshiisiiyaan beelo walaalo ah oo uu sheegay in dhowaan ay halkaasi ku dagaalameen.
http://baraxley.com/?q=node/390