Postby The_Emperior5 » Tue Sep 11, 2007 5:00 pm
Wefdi Ka Socda Baanka Adduunka Oo Somaliland Yimid Iyo War Kale
Hargeysa (Qaran)- Baanka Adduunka ayaa Somaliland u soo diray koox farsamo, oo
tababaro kala duwan siisa,Haa’yadaha dawliga ah ee Maamulka Lacagaha.
Wefdigaasi ka socda baanka adduunka oo ka kooban 11 xubnood, waxa Madaarka
Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirka Qorshaynta Mudane Cali Ibraahim Maxamed [Cali
Sanyare]ayaa sheegay in Weftigan uu socdaalkoodu salka ku hayo mashruuca
horumarinta iyo dib u dhiska Somaliland,oo ay Somaliland iyo masuuliyiinta Baanka
Adduunku ay kalhore isla qaateen in ay ha’ayadaha dawlada ee dhinaca lacagaha ka taageeraan,tayaynta iyo maareynta hawlaha xisaabaadka.
Mudane Cali Ibraahim Maxamed waxa uu sheegay in wefdigani ay bixin doonaan
tababaro kala duwan Muddo toban cisho ah oo ay dalka joogi doonaan.
Hogaamiyaha wefdigaas Siedol ayaa sheegtay inay u socdaan tayaynta tababarada hawl wadeenada Maamul iyo farsamo ee dalka.
Waxa kale oo ay tilmaantay in ay wefdigani ay ka mid yihiin xubno ka soo
jeeda qaar ka mid ah wadamada ku jira Baanka Addunka, sida Midowga Yurub,
Qaramada Midoobay iyo Baanka Horumarinta Afrika
Dhinaca kalena,roob laxaad lahaa oo dabayl watay oo muddo saacad ku dhow,galabta ka da’ay
magaalada Hargeysa ,ayaa tobaneeye guri ka qaaday jiingadii saarnayd
Roobkaasi,waxa kale oo uu khasaare u gaystay dugsiga Hoose Dhexe ee Gurya samo ee degmada Maxamuud haybe Caasimada Hargeysa,hase yeeshee ma jiro ilaa iminka wax khasaare dad ah,oo raabkaasi gaystay inta la ogsoonyahay.
Cumar Maxamed Faarax
Qarannews/Hargeysa.