what are they fighting for????????????? They are under Ethiopian colony,yet they fighting eachother..wuxu damiir xumaa
Dagaal xun oo leysku habeensaday oo caawa ka socda dhinaca Sool
Sool
Dagaal kii ugu xumaa ayaa caawa oo xiliga Soomaliya ay tahay 1..30 habeenimo ka socda deegaanka Laascaanood kaasoo u dhaxeya ciidanka DFKMG iyo ciidamada Soomaaliland kasoo sii xoogeysanayo waqtiba waqtiga ka danbeya iyadoona sida muqata laga qaxay dhamaan deeganada ku teedsan magaalada Laascaanood goobtaa oo ah goobta sida baan uga socda dagaalka.
Dagaalka caawa oo keenay dhimasho badan oo labada dhinac iyadoona wararka qaar sheegayaan in la gubay laba baabuur oo kuwa dagaalka ah mana la sheegin cida laga gubay.
Labada dhinac oo qolo waliba ay sheeganeysa in ay guul ka gaartay dagaalka caawa waloow la sheegi karin guul la taaban karo ay gareen labada dhinac walina waxey kala joogaan goobahii hore waxeyna is weydaarsanayaan BM iyo madaafiicda Goobta.
Dagaalka Caawa oo sabab u ah xafiis la sheegay in ay ka furaneysa DFKMG kasoo loogu tala galay dhinaca Socaadalka ,beesha degan aagaasi ayaa ku kala qeybsan dagaalka iyadoona la kala safan labada dhinac waxa dhibka iyo rafaadka soo garayaana ay yihiin dadkoodii inta ay ka shaqeyn la hayeen in dadkooda nabad ku noolaadaan ay colaad ka huriyen xuduntoodii Laascaanood ee dhisantay 17sano ee u danbeysay
Wali waa socdaa dagaalka waana qaraar yahay waxii ka soo kordhaa kala soco halkaan