Cadde oo si caro leh uga hadlay dagaalkii Adhi Cadeeye
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 20-Sebtember-2007
Maamul gobolaeedka Puntland ayaa maanta ka hadlay dagaalkii maalintii shalay deegaanka Adhi Cadeeye ee duleedka Laascaanood ee gobolka Sool ku dhex maray ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.
Madaxweynaha maamulka Puntland Cadde Muuse ayaa ku eedeeyay maamulka S/land in ay duulaanka soo qaadeen Puntland-na ay ku jirtay xaalad isdifaaca ah .
Cadde Muuse oo u waramayay warbaahinta Puntland ayaa gaashaanka u daruuray warka ka soo yeeray wasiirka gaashaandhigga S/land ee ahaa in ay ku tala jiraan in guud ahaan ay qabsadeen gobolka Sool oo ay isku hayaan maamulka S/land .
"Warkaani ma ah mid haboon waa mid la isaga soo booday , Puntland talaabada ay qaadeyso waa mid iska cad", sidaa waxaa yiri Cadde Muuse.
Wareysi uu siiyay Radio Galkacyo ayuu madaxweyne Cadde Muuse ku eedeeyay mamaulka S/land in mar waliba ay ku soo xadgudbaan Puntland ayna ka shaqeeyaan deganaasho la`aan .
"Waxaa jira siyaasiyiin reer Puntlad ah oo wax ka wada dagaalka laakiin talaabo adag ayaynu ka qaadeynaa", sidaa waxa yiri Cadde Muuse.
Hadalka Cadde Muuse ayaa soo baxaya xilli maalintii shalay ay ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo S/land deegaanka Adhi Cadeeye.
Maryama Xuseen Axmed
seymuun@hotmail.com