Maleeshiyo beeleedyo ka soo kala jeeda beelaha Gaaljecel iyo Ogaden oo isku haya deegaanka Buur-gaabo
Mogadishu - 29-Sept.2007-Allceeldheer.com-Xiisado colaadeed ayaa ka soo cusboonaaday deegaanka Buur Gaabo ee gobolka J/hoose oo ay isku hayaan maleeshiyo beeleedyo ka soo kala jeeda beelaha Gaaljecel iyo Ogaden, iyadoo dad dhaawac ah maanta la keenay magaalada Kismaayo.
Wararka laga helayo Isbitalka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta labo ruux oo mid ka mid ah uu yahay Taliye kooxeed ka mid ah kooxaha isku haya Buur-gaabo, iyadoo midka kalena uu yahay Rayid.
Labadaan ruux ayaa ku soo dhaawacmay iska horimaad shalay labada dhinac ku dhex maray deegaanka Buur-gaabo, iyadoo xiisadahaasi ay ku dhinteen labo ruux oo kale.
Xiisadahaan oo soo noqnoday ayaa salka ku haya arimo la xiriira deegaanka iyo canshuuro laga qaado kaluumeysato ku nool halkaasi.