Properly, the Ethiopian commuity in Canada is embrassed with SEIFU GETAHUN for running after a Somali chick. And us Somalis are going like what a love amxaaro maxay kadoontey.
Gabar Soomaaliyeed oo haysata dhalashada Canada oo la laýahay
Gabar Soomaaliyad ah, oo haysata dhalashada dalka Canada ayaa sida lagu soo daabacay wargeyska METRONEWS ee ka soo baxa dalkaasi, wuxuu soo qaaday wargeysku xiriir dhexmaray gabadhaasi oo da'deedu tahay 23 & wiil Itoobiyaan ah oo haysta dhalashada dalka Canada oo lagu magaabo SEIFU GETAHUN.
Jariidadu waxey sheegtay in reerka ay la doonayeen gabadhooda in ay u guuriyaa wiil Soomaali ah, halkii ay nolosha la wadaagi laheyd nin ka soo jeeda dalka Itoobiya, iyadoo aanan marna la is hilmaansiin karin naceybka qotada dheer ee ka dhexeeya labada shacab, taasoo si un u saameyn karta nolosha gabadhooda.
Jama ayaa markii isugu war danbeysay wiilka ay saaxiibka la aheyd oo haysta mad-habta Catholig ee diinta Kirishtaanka, waxey kula hadleysay taleefan, una sheegtay in ay hooyadeed ay la dooneyso in uu guursado wiil Soomaali ah, ayna arrintaasi gaashaanka ku dhifatay, waxeyna ku tiri " Waxaan u wacay booliska si aan ula socodsiiyo xaaladda, waxaana u sheegay in ninka ay hooyadey ila dooneyso aan diidanahay oo aan rabo adiga in aan is guursano" ayey tiri gabadhaasi Soomaaliyada ah.
http://www.dayniile.com/oktobar/tor1_1003_jama_art.jpg