Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Sheekh Xasan Daahir Aweys: Halyeyga Soomaliya

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Col.Shabel
Posts: 31
Joined: Tue Oct 02, 2007 1:32 pm

Sheekh Xasan Daahir Aweys: Halyeyga Soomaliya

Postby Col.Shabel » Wed Oct 10, 2007 1:38 pm

Sheekh Xasan Daahir Aweys: Halyeyka Soomaliya


Xasan Daahir Aweys waa nin oo waqti dheer ah u soo halgamay diinta, dalka iyo dadka ba.

Waa nin horay ciidanka oga tirsanaan jiray, waana nin adag oo waxa uu samaynayo ay dhab ka tahay, waxaan aaminsanahay intaa marka la isku daro in uu nin nabadeed yahay, Soomaaliyana nabad ka keeni karo" Xuseen Caydiid.

Sh.Xasan waxa uu ku dhashay Baadiyaha Dhuusamareeb ee Goboladda Dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1945kii.

Sh.Xasan waxa uu Xifdiyay Quraanka Kariimka yaraantiisii isaga oo jooga Baadiye, waxa uu xaadiri jiray yaraantisii xalaqadda Masaajidda, isla goobahaas ayuu ku bartay Culuumta Naxwaha, Sarfiga iyo Fiqiga.

Machadkii Diinta ee Al-Azhar ee Muqdisho ayuu sheekhu galay sanadkii 1965kii.

1971kii Ayuu ka qalin jebiyay machadkaa, isaga oo qaatay Shahaadadii Dugsiga Sare.

1973kii Waxa uu xubin buuxda ka noqday ciidankii xooga dalka Soomaaliya, isaga oo lagu qaatay darajadda Sargaal.

Dagaalkii 1977kii

Sheekh Xasan waxa uu ka qaybqaatay Dagaalkii 1977kii lala galay cadowga Soomaaliya ee Itoobiya, dagaalkan oo uu ku mutay bilad sharaf, Mujaahidiin ay dagaalka wada galeen ayaa soo weriyay in Sh.Xasan Daahir Aweys uu udardaarmi jiray goorwalba ciidankii uu taliyaha u ahaa, in hadii ay Illahay si wanaagsan ugu xidhmaan ay guushu xageena ahaan doonto.

Dagaalkan ayuu Sheekhu ku mutay Biladdo Sharaf iyo kuwo Geesinimo, raggii dagaalka la galay Sheekha oo ka sheekeeyay ayaa si wayn u tilmaamay siiradda xagga difaaca dalka ee uu leeyahay, waxay ku tilmaameen in uu yahay Soomaali halyeey ah, oo u nxariis badan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Af-gambigii Dhicisoobay

Sanadkii 1978dii waxaa Sheekh Aweys loogu yeedhay in uu ka qayb qaato af-gambi lala damacsanaa Dowladii Maxamed Siyad Bare, oo isagu xoog ku qabsaday dalka waqti intii Gumaysigu oga tagay dalka sidii ay doonaan ka yeelan, iyagga oo dhaxalka keliya ee ay haystaan uu ahaa kitaabkii Talyaanigu u qoray in ay dalka ku maamulaan.

Xiligaa Sheekh Aweys waa uu iska soo taagay ka qaybqaadashadda Af-gambigaa, goortaa oo uu sabab oga dhigay, isaga oo aan aaminsanayn in xoog wax lagu bedelo, waxa uu doonayay marwalba sheekhu in wanaaga iyo wadahadalku uu shaqeeyo, yaase ka raaridaya cadowga umaddeena oo cadaan iyo madowba leh.

Xabsi Waqti Dheer Qaatay

Sanadkii 1986kii ayaa Shaakha Xabsiga loo taxaabay isaga oo koox culima ah, kuwan oo kuligood kawada tirsanaa Ururkii Al-Itixaad Al-Islaami - kan oo la aasaasay sanadkii 1982kii, waxa uu si wayn sheekhu ugu dadaali jiray in dhamaan Bulshadda Soomaaliyeed iyo ciidankii uu ka tirsanaaba ay noqdaan kuwa Illahay si wanaagsan ugu xidhan.

Sanadkii 1987kii Sheekh Xasan Daahir Aweys in dil toogasho ah lagu dilo ayaa ay Xukuumadii Siyaad Barre ku xukuntay, walow xili dambe xabsi daa'in loogu bedelay, sababta Boqor Fahadkii Sacuudiga oo Dowladii Siyaad Barre lasoo xidhiidhay, kadib markii Sheekhii caanka ahaa ee BinBAAZ uu arintaa Boqorka faray.

Qiso Dhab Ah

Waxaa la weriyaa in Xiligii dilka lagu xukumay uu Aabihii Daahir Aweys u tagay Siyaad Barre isaga oo ka codsaday in uu usii daayo wiilkiisa oo uusan ka dilin, Siyaad Barre ayaa u sheegay Daahir Aweys in uu wiilkiisu aaminsanyahay in uu Gaal Yahay Madaxwaynuhu, Arintaa Dahir Aweys waa uu qariibsaday...

Siyaad Barre ayaa codsaday in balan loo qabto Dahir Aweys iyo Sh.Xasan oo markaa majlis la isugu keeno, Daahir Aweys balantii ayuu ku yimi, Siyaad Bare ayaa intuu Masale ku fadhiistay Tusbax-na soo qaatay codsaday in loosoo geliyo Sh.Xasan Daahir oo isagu laga keenay 20Jiroow.

Daahir Aweys ayaa uu wiilkiisii oo uusan dhawaanah arag soo galay halkii ay fadhiyeen isaga iyo Siyaad Bare, hadii uu salaamay odayadii meesha fadhiyay waa Siyaad iyo Aabihiise, ayaa Siyaad waxa uu usoo jeediyay su'aal Sheekh Xasan oo yidhi "Maandhoow ma aniga imika Salaadda ka kacay oo tasbiixsanaya ayaad gaal ii haysataa?", Sheekh Xasan ayaa ku jawaabay "Gaal Baad Tahay, Illahay ka furtay".

Sida qoran Suldaan Jaa'ir ah oo aad hortiisa runta ka sheegtaa ayaa ah sababaha Janadda Illahay lagu mutaysto, maalintaa Sh.Xasan waxaa la sheegaa isaga oo aad ugu faraxsan talaabooyinkaa uu horay u qaaday in uu ku laabtay xabsigii laga keenay, oo Xarunta Soomaaliya in badanna ka durugsan.

Sanadkii 1988kii ayaa xabsiga laga sii daayay, sababta Reer Galbeedka oo Dowladii Xiligaa ku qasbay in ay sii dayso dhamaan raggii u xidhxidhnaa Siyaasadda.

Budhbudhkii Dowlada

Budhbudhkii Dowladii Soomaaliya sanadkii 1991kii ayuu si aan qarsoodi lahayn ola dhawaaqay in Diintu ay tahay arinta keliya ee badbaadin karta Qaranka Soomaaliyeed, islamarkaana dib isugu soo celin karta oo ruux keliya ka dhigi karta.

Waxa uu ka qayb galay dagaalo dhowr ah kuwan oo dhamaantood lagu doonayay in Diinta Islaamka lagu soo rogo dalka, si loo badbaadiyo dal iyo dad wixii ay Soomaaliyi lahayd.

Dagaaladda uu Sheekhu galay ayaa ka mid ah mid ka dhacay Goboladda Wuqooyi Bari Ee Soomaaliya, kan oo uu la galay Con.Cabdulaahi Yuusuf, Con Yuusuf ayaa qudhiisa dagaalkaa lagu qabsaday sanadkii 1994kii, walow markii dambe la sii daayay isaga iyo qaar ka tirsan ragii qabyaaladda wadanka u horseeday iyagga oo habayaraatee aan waxba la yeelin.

Sanadkii 1996kii waxaa magacii laga bedelay Ururkii Al-Itixaad Al-Islaami oo loo bixiyay Al-Ictisaam, Ururkan oo goortii dambe shaqayn waayay sababta ragg badan oo odayadda ka tirsan ahaa oo doonayay in ay aqaladooda iyo badhahooda si nabad ah u fadhiyaan.

Itoobiya Oo Isku Dayday Dilka Sheekha

Sanadihii 1995 - 96 waxa uu cadowga weligii ee Ummadda Soomaaliyeed isku dayay in uu ka takhaluso, isaga oo adeegsanayay dad ay qaraabo dhow yihiin Sheekh Xasan, inta la ogyahay sheekhu sadex jeer ayuu dil uu cadowgu soo agaasimay ka baxsaday, tan oo ku dhalisay in uu dibadda oga baxo dalka Soomaaliya oo uu arkay in uusan ku badbaadeynin.

Xiligaa ka dib xataa Sheekh Xasan ma uusan dhigin Qorigiisa waa halkii Xirsi Magane "Ma Wadaad Ilbaxaboo Aakisihiisa Sitaa La Adoonsan Karaa".

Sanadkii 1997kii waxa uu halkiisii kasii waday halgankii uu ugu jidhay quwaynta diinta, oo isagu arkayay in ay Diinta Islaamka oo laqaataa ay tahay dariiqadda keliya ee lagu badbaadin karo Qaranka Soomaaliyeed.

Sanadkii 1998 Waxa uu horjooge ka noqday Maxkamad Islaami ah, oo laga hirgelyay Magaaladda Muqdisho, tan oo si ku meel gaadh ah loogaga hirgeliyay Muqdisho.

Argagixisadda Caalamiga ah

Sanadkii 2001 dowladda Maraykanka ayaa iyadda oo xiganaysa cadowga Soomaaliya ee Itoobiya ku dartay Sheekh Xasan waxa ay ugu yeedheen waqtigaa, kuwa sida goonida ah loola socdo, arimahan ayuu Aweys qudhiisu ku tilmaamay in ay qayb ka tahay aqoondaradda Maraykanka ee ku jeeda Arimaha Soomaaliya.

Sanadkii 2006 Sheekh Xasan waxaa loo magaacaabay Madaxa Golaha Shuuradda Islaamiyiinta Soomaaliya, arintan oo ka dhalatay kadib markii dhaliinyaro Soomaaliyeed oo isu tagay ay dibadda oga saareen dagaal oogayaashii dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhigay halka ay yaalaan maanta, kuwan oo garabsanayay Maraykanka iyo Cadowgeena weligii Itoobiya.

Sheekha ayaa xilkan loo magacaabay isaga oo ka maqan xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, islamarkaana jooga meelo ka tirsan Goboladda Dhexe ee Soomaaliya, halkaas oo uu waanwaan ka dhexwaday qaar ka tirsan qabiiladda Soomaalida ee dega Goboladaa.
Voy + NAgency
Xigasho: Agabso..com

Col.Shabel
Posts: 31
Joined: Tue Oct 02, 2007 1:32 pm

Re: Sheekh Xasan Daahir Aweys: Halyeyga Soomaliya

Postby Col.Shabel » Wed Oct 10, 2007 1:54 pm

Wallaahi waxaa la yaabay Daarodka oo Xasan Daahir Aweys ku jeesjeesayo...oo ka dhigayo nin Hawiye uu halgamaa...

Laakin taarikhda Sheekha hadaa fiirisid waxaad ku muuqaneesa inuu Sheekha u soo halgamay Soomaliya.

80s, markuu qabiil kaste jabhad dhisanayey...Sheekh Xassan iyo dadka ku fikrad ah waxey dhisteen jabhad ku dhisan diinta Islamiga....

90s markii Hawiye, Daarod, Isaaq loo kala baxay...sheekha iyo dadka ku fikrad ah wey ka fogadeen colaadaha qabiilka ku saleeysan...waa markii uu dagaalki Araare, Sheekha ka dagaalay dhinaca Daarod...uu ka soo horjestey qabiilkiise ileen wuxu aaminsanaa in Janeral Ceydiid caqdarro wadey.

90kii ka bacdii Sheekha wuxuu ka soo dagaalamay Bari, Sanaag...96na wuxu u bedeshay Gedo.

95-6, Sheekha wuxu hogaaminayay ururka al-itixiaad oo dagaal kula jirtay Amxaarada iyo dabodhilifka SNF. Dagaalkan markii ku raayeen dabodhilifka amxaarada SNF...wuxu u bedeshay Xamar.

2000-kii ka bacdii wuxu ababulay maxkamadaha...waa kuwii awooda Xamar la wareegay 2006kii.

2006kii waa markii 4aad uu dagaal la galo cadowka ummada Somaliya: Amxaarada.

2007: Wili halgangii uu soo bilaaway 77 wuu waada...

Wilina Daarodkii uu caawiyay dagaalkii Araare, Sanaag, Lugh etc...wey ku jeesjeesayaan...

War dadkaan waxey yaqaanan qabiil lee...qof asxaan u falo iyo qof laayo ma kala yaqaanan...saas darateed waxaa ku fiican rag oo Caydiid camal oo wax dagaal ah maahee ku qaadin.

Alchemist
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6857
Joined: Tue Sep 04, 2007 9:52 pm
Location: DPJUGFDRTG

Re: Sheekh Xasan Daahir Aweys: Halyeyga Soomaliya

Postby Alchemist » Wed Oct 10, 2007 2:09 pm

Wallahi sheekh Xasan Daahir Aweeys is one of my heros... Anyone who followed his life would know that the sheekh always put his islamic beliefs before anything else... The sheekh is a true Mujahid and all those who hate on him have xasidnimo in their heart....

God bless sheekh xasan... Cool

Col.Shabel
Posts: 31
Joined: Tue Oct 02, 2007 1:32 pm

Re: Sheekh Xasan Daahir Aweys: Halyeyga Soomaliya

Postby Col.Shabel » Wed Oct 10, 2007 2:13 pm

Dahir aweys is a sincr man....daacadnimada baan ku nacay.


Markii uu Cabdullahi Yusuf qabtay 90s inuu dilii aheed intuu jailka ku tuurayay uu ku wareejinayay odayaasha Majerteen oo diinta wax ka aqoon.

Also, waa ninkii Gedo hogaaminayay Al-Itixaad...kuwii Ethiopia dagaal la galey 1996.

Maantana ilkoyar oo taarikh wax ka aqoon baa iska dhadhiciyay inii Ethiopia jabiyeen...laakin truth is EThiopia defeated AL-Itixaad and handed over the region to their dahabodhilif urur SNF....Aweys iyo Al Itixiyaadna waxey u badasheen Xamar Laughing

The struggle continues

up Halyeyga Soomaliya Sheekh Xasan Daahir Aweys up

User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Re: Sheekh Xasan Daahir Aweys: Halyeyga Soomaliya

Postby DawladSade » Wed Oct 10, 2007 2:23 pm

[quote="Col.Shabel"]

Also, waa ninkii Gedo hogaaminayay Al-Itixaad...kuwii Ethiopia dagaal la galey 1996.

[/quote]

Actually all the leaders of Al Itihad were Marehan and Hassan Turki who was Ogaden, all Darod. Dahir Aweys came there after the Marehan wadaado had already made Gedo peaceful.

---"Al-Ittihad took over the control of Gedo region soon after the downfall of the Somali government in 1991, under the command of Mohamed Haji Yusuf (Mareehan), a former Judge of the Higher Court of Somalia. The town of Luuq became the seat of Al-Ittihad’s administration in Gedo. In a stretch of several years, it established a police force, Islamic courts, Islamic education centers, and health centers, all intricately linked to the principles of Islamic Sharia laws. It outlawed the chewing of Qat (khat), reduced the stature and importance of traditional Islamic leaders, and built special mosques that served, exclusively, as communal centers for Islamists."----

http://wardheernews.com/articles/Novemb ... 'arag.html

Mohammed Haaji Yusuf was the foremost leader and today he lives in Saudi Arabia. That he and the rest of the former Marehan leaders of the ICU and by extension the leaders of the Deen revival in Somalia were not part of Al Itihad tells you how corrupt that organization was.
Last edited by DawladSade on Wed Oct 10, 2007 2:49 pm, edited 2 times in total.

User avatar
SummerRain
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17320
Joined: Tue May 08, 2007 11:41 am

Re: Sheekh Xasan Daahir Aweys: Halyeyga Soomaliya

Postby SummerRain » Wed Oct 10, 2007 2:24 pm

God bless the great Habar Gidir. :somali:

Alchemist
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6857
Joined: Tue Sep 04, 2007 9:52 pm
Location: DPJUGFDRTG

Re: Sheekh Xasan Daahir Aweys: Halyeyga Soomaliya

Postby Alchemist » Wed Oct 10, 2007 2:26 pm

God bless Ismahan123, the great Habargidir girl..

User avatar
SummerRain
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17320
Joined: Tue May 08, 2007 11:41 am

Re: Sheekh Xasan Daahir Aweys: Halyeyga Soomaliya

Postby SummerRain » Wed Oct 10, 2007 2:28 pm

[quote="Alchemist"]God bless Ismahan123, the great Habargidir girl..[/quote]


Laughing I have shame HG according to Hiiraan boi, I'm showing my love for them now.

Hboi, take notes. Laughing Cool

Alchemist
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6857
Joined: Tue Sep 04, 2007 9:52 pm
Location: DPJUGFDRTG

Re: Sheekh Xasan Daahir Aweys: Halyeyga Soomaliya

Postby Alchemist » Wed Oct 10, 2007 2:31 pm

[quote="Ismahan123"][quote="Alchemist"]God bless Ismahan123, the great Habargidir girl..[/quote]


Laughing I have shame HG according to Hiiraan boi, I'm showing my love for them now.

Hboi, take notes. Laughing Cool[/quote]

hboi shames xawadle, i even doubt his xawadle maybe one of these daroo kids acting like xawadle..

Col.Shabel
Posts: 31
Joined: Tue Oct 02, 2007 1:32 pm

Re: Sheekh Xasan Daahir Aweys: Halyeyga Soomaliya

Postby Col.Shabel » Wed Oct 10, 2007 2:37 pm

Sheekh Xasan Daahir aweys wuxu ahaa one of the leaders of Al-Itixiaad....waana ninka ugu firfircoon oo laga yaqaana Somaliya iyo aduunka bah. Somali clans hate him...Itoobyia Hates him. America hates him...Europe hates him Laughing

War ninka cadow badanaa...muxu ka sameeyay Laughing


Xiligii Amxaarada Gedo ku soo duuleen wuxu ahaa hogaamiyaha Al-Itixiaad. Asaga iyo wadaado oo marexaan ah ba dagaal la kaley Ethiopia iyo dabodhilifka SNF.

User avatar
Luq_Ganane
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7849
Joined: Tue May 22, 2007 10:17 am

Re: Sheekh Xasan Daahir Aweys: Halyeyga Soomaliya

Postby Luq_Ganane » Wed Oct 10, 2007 2:39 pm

Dawlad,

I love these Habar Gidir's. Wara Col Shabel, ninki aad isku magac bixisay 'Col Shabeel' was killed in Gedo beause he was part of a Hawiye invading force, and now you're trying to tell me a HG wadaado 'took over' Gedo. Caqli Hawiye. Laughing

HG discovered religon in August 2007 (Most of them taught religion by militairy force) and abandoned religion after they ran from Idaale and Diinsoor after 3 minutes of gunfire while everybody else stood firm. After that you guys went back to Xamar, took off the cimmamad, shaved the 3 day shave beards and went right back and started looting ICU equipment in Xamar even desks. Shocked Once a Mooryan always a Mooryan.

Al Itixaad was a Marehan institution top to bottom. After we established the institution in Gedo wadaads from all over Somalia were welcomed, especially Ogaden wadaads, and ONLF senior officers. Dahir Aweis was one of them. Luq my hometown was the seat of Itixaad. Cool

Alchemist
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6857
Joined: Tue Sep 04, 2007 9:52 pm
Location: DPJUGFDRTG

Re: Sheekh Xasan Daahir Aweys: Halyeyga Soomaliya

Postby Alchemist » Wed Oct 10, 2007 2:43 pm

Lets not turn this into qabil now sxb....

The ICU are all brothers..


God bless all the wadadds, ameen....

User avatar
COSTA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13754
Joined: Fri Jun 25, 2004 7:00 pm
Location: (Sapo)= Min arbetsgivare

Re: Sheekh Xasan Daahir Aweys: Halyeyga Soomaliya

Postby COSTA » Wed Oct 10, 2007 2:44 pm

Laughing

Alchemist
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6857
Joined: Tue Sep 04, 2007 9:52 pm
Location: DPJUGFDRTG

Re: Sheekh Xasan Daahir Aweys: Halyeyga Soomaliya

Postby Alchemist » Wed Oct 10, 2007 2:47 pm

God bless Maheri Laughing

User avatar
Luq_Ganane
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7849
Joined: Tue May 22, 2007 10:17 am

Re: Sheekh Xasan Daahir Aweys: Halyeyga Soomaliya

Postby Luq_Ganane » Wed Oct 10, 2007 2:50 pm

God bless all Madackaris up


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 87 guests