http://www.allgedo.com/Tempe/SUXUFIYIINTA%20Gedo.jpg
Ururka Suxufiiinta Gobolka Gedo (GEJONBO) oo cambaareeyey dilkii ku simaha Idaacadda
Shabelle
Baardheere, Somalia - War saxaafadeed maanta uu soo saaray ururka isku xirka Suxufiyiinta Gobolka Gedo(GEJONBO) ayaa wuxuu ku cambaareeyay dilkii magaalada Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee marxuum Bashiir Nuur Geedi oo habeen hore kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeedkaasi oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Ururka Iskuxirka Suxufiyiinta Gobolka Gedo Axmed Cumar Saalixi ayaa lagu qeexay in ururku uu si qoto dheer uga xunyahay dilkaasi loo geystay Bashiir Nuur Geedi oo ahaa ku simaha Gudoomiyaha Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho,islamrkaana ka mid ahaa dadka ku lugta leh Ganacsatada waaweyn ee Magaalada Muqdisho.
Ururka Isku xirka Suxufiyiinta Gobolka Gedo ayaa wax laga xumaado waxa ay ku timaameen dilalka micno darida ah ee lala beegsanayo Suxufiyyinta iyo Dadk kale ee Rayidka ah,waxa uu ugu baaqay kooxaha hubeysan inay joojiyaan beegsashada suxufiyiinta iyo mas’uuliyiinta ku lug leh muhiimadda Saxaafadda.
Waxana uu dowladda KMG ah ee Soomaaliya ah ugu baaqay inay wax ka qabato dilalka lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa dilkaasi Cambaareeyay urur saxaafadeedka CPJ,ururka NUSOJ iyo Ururo kale oo ka howlgala dalka Gudahiisa Ururka Isku xirka Suxufiyiinta Gobolka Gedo waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo saaxiibadii uu ka tegay marxuum Bashiir Nuur Geedi oo shaley Subax lagu aasey Qabuuraha Macalin Nuur ee Kilomitir 13 ee Magaalada Muqdisho.
Xafiiska wararka Allgedo ee Baardheere, Somalia.