“Yaa Garoomo ina siiya? ma Bidaartayda ayaad ku Ciyaaridoontaan Dhul ma jiree, bidaaraha oo aad ku ciyaartaan mooyaane dhulkii Dawlada Hoose way ”
---------------------------------------------------
Xisbiga Mucaarid ah ee UCID ayaa Maanta Deeq Qalab Ciyaareed oo kala duwan ugu Deeqay Afar naadi oo ka mid ah Naadiyada heerka Kowaad, kuwaas oo kala ahaa Kooxaha Shubayaasha, Gor-gorka iyo kooxda Ceer-gaabo ee Gobolka Sanaag, iyo Kooxda Degmada Sheekh.
Munaasibadii wareejinta deeqdaasi oo ay ka soo qeybgaleen, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID. Eng. Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye Ku-xigeenka labad ee Xisbigaasi Aadan Maxamed Mirre [Waqaf], Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga UCID. Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, Xoghayaha Sports-ka ee Xisbiga UCID Cabdiraxmaan Saalax, Musliyiin sar sare oo ka tirsan Xisbiga, qaar ka mida naadiyada heerka kowaad, Ciyaartoy iyo Marti sharaf kale. taas oo lagu qabtay Xarunta Gobolka Hargeysa ee Xisbiga.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu sheegay inay Xafladan soo qaban-qaabisay Guddida Gobolka ee Xisbigu, isaga oo la hadlayey kooxaha qalabkan la gudoonsiinayey waxa uu yidhi “Waxan la idin-siiyey wax ka badan in la idinsiiyo ayaad muteysateen, waxa Ilaahay ku siiyey ee ugu qiimo badan waa bini’aadamka,Ummada reer Somaliland-na ee aynu haysanaana %70 waxa weeyaan dhalinyaro”
“Haddii aynu caqi leenahay waxaynu haysanaba idinka [Dhalinyarada] ayaa la idin-gelin lahaa, idinka ayaa ah dadka dalka hore u marin lahaa, waanu ognahay inay dhibaato badani idin haysataba [Dhalinyarada] xaggii dhaqaalaha, wadankii inta ka shaqeysa waynu ognahay, fursadii wax-barashada” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu ku dooday inay Xisbi ahaan wixii ay ku tari karaan kobcinta iyo kor u qaadidida Sports-ka ay markasta u heelin yihiin.
“Hadda waxaad moodaan [Dhalinyarada] inaad u soo jeedsateen dhicii Sportska, laakin waxaynu ka cuuryaansanay xagii garoomada, dadkii uu u wada dhaqaaqee Is-portiiyee yaa Garoomo ina siiya? ma Bidaartayda ayaad ku Ciyaaridoontaan dhul ma jiree, bidaaraha oo aad ku ciyaartaan mooyaane dhulkii Dawladii Hoose way diiday oo waxay yidhaahdeen baloodhka Ciyaaraha ee aanu bixinaynaa waxa uu nagu jooga $30,000, sodonka anaga iska qaadanaynaa ayey yidhaahdeen, malaha imika jeebkoodii buuxsamee inta hadhay waxaan jecelay inay idiindaayaan” ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe isaga oo ku eedeeyey Dawlada Hoose inaanay ogolayn in Garoomo Ciyaareed ay bixiso.
Faysal Cali Waraabe waxa uu ku dooday inay Xisbi ahaan ilaa 2003-dii ay wax tari jireen dhalinyarada Sportska, isla markaana waxa uu tilmaamay hadana waxa noo balansan inaanu qalab sports oo aanu ugu soo balanqaadnay inaanu siino sida ugu dhakhsaha badan Sadexda Degmo ee kala ah Kooxaha Caynaba, Oog iyo Wadaama-gode waanuna siin-doona .
Xog-hayaha Sports-ka Kubada Cagta ee Xisbiga UCID Cabdiraxmaan Saalax Xasan [Lisaayee] oo ku nool Wadamada qurbaha oo isagu keenay deeqdan qalabka Ciyaaraha munaasibadaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Haddii aanu nahay Xisbiga Mucaatid ah ee UCID Waxaanu qalabkan ugu talagalnay dhiiri-gelin u siino Kooxaha Gobolka Sanaag, Degmada Sheekh, Kooxda Cabdilaahi Cabdi Shube iyo Kooxda Gor-gorr, oo uu runtii abaabulkeedi iyo wax siinteeda uu lahaa Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo intii badana nagu dhiiri-gelin jiray, Wax siinta labada kooxood ee Cabdilaahi Cabdi Shube iyo Gor-gorka.”
“Xisbiyagu waxa gundhig u yahay inuu dadka daryeelo, anigu waxaan degenaan jiray Wadanka UK, waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali marar badan ayuu igula-dardaarmay kooxaha Shubayaasha iyo Gor-gor wax siintooda” ayuu yidhi Xoghayaha Ciyaaraha Kubada Cagta ee Xisbiga UCID Cabdiraxmaan.
Xog-haye Cabdiraxman Saalax waxa uu sheegay inuu kooxaha Gobolka Sanaag, Kooxda Shubayaasha uu sanadkii hore 2006-dii Gudoonsiiyey qalabka sportska, isla markaana waxa uu xusay inuu Xisbiga wakhti dhow uu Koobabka kubada Cagta dhigidoono, si looga badbaadiyo dhalinyarada balwada iyo waxyaalaha dib noo dhigaya.
Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mirre [Waqaf] oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Munaasibadan ay ku gudoonsiinayaan Afarta kooxood qalabkan Is-boortiga oo ka kooban Kubado, iyo direysyo,
“Maaha marka la eego [Deeqdan Is-bortigu] wax weyn, laakin waxay xanbaarsan tahay ayaa ah wax dhalinyaradeena, oo maant ah Cududa ugu balaadhan ee dalkani leeyahay, ummada tana aad moodo inay aafeysay qabyaalad” ayuu yidhi Aadan Maxamed Mirre [Waqaf[
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “ Waxa kale oo garab socda mukhaadaraad oo ay qalabkan iyo Hawshaa Is-boortigu ay yihiin wax weyn oo hawshaa kataraya inay la dagaalamaan inaanay dhexgelin hawlaaha mukhaadaraadka iyo bahaasha Cudurla inagu noqotay ee qabyaalada oo ay dhalinyaradu isku bartaan Ciyaaraha dhexdooda ama Team-ka ay sameystaan”
“In la helo caqli iyo Jismi fayoow oo laga helo Is-boortiga tababarkooda iyo Ciyaartaas Kubada Cagta oo lagu korin karo Caqli iyo Jismi Wanaagsan ummaduna ay kudayan karto, lagana heli karo marka intaa la helo hogaamin Wanaagsan Mustaqbalka ah inay ka soo baxdo oo caafimadka qabta oo hogaaminta dalka noqota.” ayuu yidhi Aadan Mirre
Aadan Waqaf waxa uu kula dar-daarmay kooxihii kubada cagtu inaanay halkaasi kaga hadhin, basle ay si joogta ah u wadaan gacan ku haynta kubada Cagta.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha Gobolka ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Qodax
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Kabtanka Kooxda shubayaasha Khadar Iidaan, Gudoomiyaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Degmada sheikh Marwo Rashiido Saleebaan Sheekh.