Postby Dudaaye » Tue Nov 06, 2007 10:10 pm
Mid kamid ah Kuxigeenada Guddoomiyaha Fulinta Isbaheysiga Dib u Xoreynta Jamhuuriyadda Soomaaliya oo soo gaaray meel kudhaw Muqdisho sheegayna in ay diyaariyeen Guutooyin dagaallama.
Muqdisho,07,November-07 (Qaadisiya.com) Kadib markii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Asmara ee Xarunta Wadanka Eritrea Shirkii lagu aasaasay Isbaheysiga Xoreynta iyo Dib u soo nooleynta Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa inta badan loo hal galay sidii looga wada shaqeyn lahaa Xoreynta dalka Soomaaliya.
Mas'uuliyiin fara badan oo katirsan Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho iyo qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya kuwaasi oo durba halkaasi ka bilaabay hawlihii loosoo diray.
Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah Golaha Dhexe ahna Xubin katirsan Guddiga fulinta ayaa waxa uu soo gaaray meel si aad ah ugu dhaw magaalada Muqdisho oo aanan la shaacin Karin.
Idaacada Codka Mareykanka ee VOA-da qeybteeda English-ka ayaa la yeelatau wareysi gaar ah, waxaana lasheegay in aanu la ogeyn goobta uu kusugan yahay oo ah goob si aad ah ugu dhaw magaalada Muqdisho.
Wareysiga uu Siiyay VOA-da ayaa waxa uu kusheegay in ay diyaar gareeyeen Dagaalyahanno aad u fara badan isla markaana uu u dhan yahay qalabkooda dagaalka kuwaasi oo si toos ah uga qeyb qaadan doona Dagaalada kasoconaya Gudaha magaalada Muqdisho oo ladoonayo in laga dhigo halka ugu horeeya ee laga xoreeyay Amxaarta.
Waxa uu sidoo kale Sheegay Zakariye in isaga uu kusugan yahay goob nabad ah isla markaana uu ka shaqeynayo dib u xoreynta dalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in ay sii kordhayaan dhowaan dagaallada lagula jiro Tikreega dalka kusoo duulay maadaama uu u soo dhameystirmay agabkii ay sugayeen oo dagaalada loogu talagalay.
Waa markii ugu horeysay oo mid kamid ah Mas'uuliyiinta Isbaheysiga Dib u Xoreynta Jamhuuriyadda Soomaaliya uu soo gaaro meel kudhaw magaalada Muqdisho isla markaana halkaasi ku habeysanaya Ciidamo aad u xoogan oo ladoonayo in ay weerar ku qaadaan Xabashida dalka kusoo qul quleysa, wuxuuna qiray Zakariye in Duruus Hor leh ay u dhigi doonaan Tikreega maalmahani dambe Wadanka si aad ah ugu soo qul qulayay.