Military planes bring Burundi [AU] supply, TROOPS are coming !!!!
--------------------------------------------------------------------------------
Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde oo maanta timid Diyaaradii ugu horeysay oo qalab milatari u wada Ciidamada Burundi
Muqdisho Khamiis , November 08 2007 SMC
Waxaa maanta timid Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport Diyaaradii ugu horreysay oo qalab militari u sida ciidamada dalka Burundi oo iyagu lagu wado inay soo gaaraan dalka dhowaan.
Qalabka ay wado diyaaradaan ayaa waxaa lagu wareejiyay ciidamada Midowga Afrika, waxaana la sheegay in ciidamada Burundi ay ku soo fool leeyihiin saacadaha soo socda dalka Soomaaliya.
Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ayaa u sheegay saxaafada in diyaaraddaasi qalabka Militari, wuxuuna sheegay in qalabkaas uu yahay mid ay adeegsanayaan Ciidamada Midowga Afrika, wuxuuna sheegay inay dhaqaale baaxad leh dhawaan ka filayaan ciidamada Qaramada Midoobay.
Dhinaca kale waxaa meesha ka baxday shakigii laga qabay imaanshaha ciidamada Burundi ee ku aadan dalka Soomaliya, iyadoo ay horay dhowr jeer u sheegeen Ciidamada Burundi inay xayirayso dhaqaalihii lagu soo rari lahaa ciidamadooda oo ay ku imaan lahaayeen Soomaaliya.
--------------------