Postby Hiiraan boy » Mon Jan 07, 2008 1:08 pm
laba wiil oo soomaali ah oo lagu gubay dalka koonfur afrika
Sh, M network 07 Jan 08, 13:07
Kooxo hubeysan oo udhalatay dalka south Africa ayaa gubay laba wiil oo dhalin yaro soomaali ah xili aay dhalintaasi kusugnaayeen meel dukaan ahayd oo kutaala bariga magaalo lagu magacaabo London oo kutaala dalka koonfur afrika
Afhayeen uhadlay bulshada soomalida ah ee dalka koonfur afrika oo lagu magacaabo sheeq nuur maxamed ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin in dhibaatadaasi loo geysto dadka soomaalida ah oo uu sheegay inay dalkoodii uga soo baxeen dagaalo iyo dhibaatooyin kale oo kajira
Bulshada soomaalida ee sidoo kale kudhaqan dalka koonfur afrika ayaa naxdin xoogan kamuujiyay dilka loo geystay labadaasi wiil ee dhalinyarada ah oo lagubay kadibna laqaatay hantidii taalay dukaankii aay joogeen..
Soomaali fara badan oo iyagu uga cararay dalka soomaaliya dagaalo xoogan oo kadhacay ayaa iminka sidoo kale waxa aay yihiin kuwo dhibaato xoogan kuwajahaya wadamada dibada ah gaar ahaa koonfur afrika waxaana dadkaasi horyaala\"laba daran mid dooro\"