Postby Hiiraan boy » Thu Jan 10, 2008 7:33 am
Iska horimaad xalay ku dhex marey Laba garab oo kala taageersan ciidamada beesha Sade Magaalada Kismaayo
Kismaayo:-Dagaal ayaa xalay waxa uu dhex marey laba garab oo kala taageersan maamulka haatan gacanta ku haya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose.
Iska horimaadkan ayaa waxaa ka soo baxaya warar iskhilaafsan cidda sida tooska ah ugu danbeysa waxaase la xaqiijiyey in uu dhex marey laba garab oo kala taageersan ciidamada beesha Sade.
Xasan Daahir Baad oo ah Taliyaha ciidamada guud ee ammaanka,ayaa sheegay in iska horimaadkan uu u dhaxeeyay ciidamada iyo kooxo maleeshiyo hubeysan ah oo soo weerartay waxa uuna sheegay in ay baacsadeen balse waxaa arinkaas si xoogan u beenshay Taliyaha ciidamada ammaanka ee dhanka galbeed magaalada Kismaayo,Max\'ed Buulow, wuxuuna sheegay in iska horimaadka uu dhex maray ciidamada ammaanka laftooda.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka jira amaan xumo baahsan waxaana ay cirka isku sii shareertay markii ay khilaaf soo kala dhex galay laba garab oo ka wada tirsan beesha haysta magaalada oo kala taabacsan Col Bare Hiiraale iyo C/risaaq Taano sida warar hoose ay sheegayaaan