War deg deg ah Diyaarad Milatari oo ay leeyihiin Ciidamada itobiya oo ka soo dagtay goordhawayd garoonka Muqdisho si ay u qaado mayd iyo dhaawac ka soo gaaray saakay isgoyska fagax..
Waxaa goor dhawayd ka soo dagay garoonka Muqdisho diyaarad milatari oo ay leeyihiin Ciidamada itoobiya oo ka soo duushay garoonka Magaalada baydhaba si ay u daabusho dhaawac iyo dhimasho manta fagax ka soo gaartay ciidamada itoobiya.
Maydkan ayaa gaaraya ku dhawaad 15- Halka dhaawacana uu gaarayo 20- waxaana la xiray dhamaan wadooyinka soo gala airapoorka waxaana dhaawaca loola cararay markii uu qaraxu dhacay isbitaalka keysaneey iyo mid gaar ay u leeyihiin Ciidamada itoobiya waxaana la sheegayaa in halkaasi waxba looga qabanwaayay.
Tan iyo Markii ay bilaawdeen sanadkii tagay dagaalada Muqdisho dagaalada oo dhex maraya Ciidamada itobiya iyo xoogaga ka soo horjeedo ayaa la sheegayaa in halkaasi ay uga nafwaayeen Ciidamada itobiya ku dhawaad sadaxkun oo ciidan halka ku dhawaad kuna ay dhaawacyo ka soo gaaree.
Xafiiska war qabadka Dayniile
Goternburg, Sweden
dayniilecom@hotmail.com