HAHAHAHA read this:
kooxo Curyaamiin ah oo Hubaysan ayaa gooyey qaar ka mid ah wadooyinka Buuhoodle, taasoo keentay in dhibaato ka timaado isu socodka gaadiidka ee magaalada, waxaana la sheegay inay ka cabanayaan Boobka & Bililiqada loo gaysto caawimooyinka loo keeno dadka jilicsan ee deegaanka.
kooxahan Curyaamiinta ah oo isku riixaya baabuurta ay Curyaamadu ku socdaan ee (Wheel Chair) ayaa gooyey wadooyinkaasi iyagoo ku hubaysan Boobayaal & qoryaha darandooriga u dhaca.
wadooyinkaasi ayaa xidhan maanta maalintii labaad waxana gaadiidka ay ku qasabtay inay ka soo wareegaan masaafo dhan 3 KM, xilli ay cidhiidhi yihiin wadooyinka guud ee magaaladu oo intooda badanba lagu gooyey dhismayaal sharcidarro ah.
Curyaamiintan oo la hadlay Idaacadda maxalliga ah ee radio daljir Buuhoodle ayaa sheegay inay aad uga cabanayaan dadka lixaadkoodu u dhan yahay ee xoogga leh ee maalin walba qalinka 7 qorigaba ku boobaya caawimooyinkii ay ulshada caalamku ugu talo gashay dadka jilicsan.
Xiliyada habeenkii ayay curyaamiintaasi banneeyaan waddooyinka, lamana hubo inay maalinta berito dib ugu soo noqonayaan waddooyinkaasi markii sadexaad.
Xuseen aadan yuusuf (Kurdi)
Source: buuhoodlemedia.com