Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

BREAKING NEWS XAAD OO KU BIREY MUCARADKEY HUBEYSAN

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS XAAD OO KU BIREY MUCARADKEY HUBEYSAN

Postby Hiiraan boy » Tue Feb 12, 2008 4:44 pm

Maxamed Xasan Xaad oo ah guddoomiyaha gole sheegta inuu matalo Beesha Hawiye ayaa daboolka ka qaaday markii ugu horreysay in golihiisa uu ku biiray mucaaradka hubeysan ee dagaallada kala horjeeda DF iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan Somalia.

Xaad oo la hadlayay saxaafadda Muqdisho ayaa sheegay inay u dulqaadan waayeen joogitaanka ciidamada Itoobiya, ayna diyaar u yihiin wixii hadda ka dambeeya inay dagaal hubeysan kala hortagaan ciidamada Itoobiya iyo Ciidamada DF oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo gacan ku siinaya Itoobiya inay dalka sii joogto.

"Adeer, C/llaahi Yusuf wuxuu doonayaa inuu ku shaqeyo si aan Madaxweynenimo ahayn, taasoo nagu kalliftay inaan caddeyno inaan qaadacno Madaxweynenimadiisa iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka ku sugan" ayuu yiri Maxamed Xaad oo ku dhaartay inay dagaal kala hortagayaan ciidamada Itoobiya, wixii hadda ka dambeeya.

Wuxuu sheegay in dadaallada nabaded ee uu wado Ra'iisul Wasaraha Somalia Nuur Cadde uu jabiyay Madaxweyne Yuusuf, isagoo carrabka ku ballaariyay inaysan aqbalayn dadaallada nabadeed ee uu wado Nuur Cadde, ayna tahay in lala dagaalamo xukuumadda Somalia iyo ciidamada Itoobiya, isagoo aan soo hadal qaadin ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

"Magaalada Muqdisho waxaa la keenay ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah, waxaana la doonayaa in lagu dhibaateeyo dadka ku dhaqan Muqdisho oo keliya, maxaa loo geyn waayay Boosaaso iyo Kismaayo? taasi waxay tusaale u tahay in dadka ku nool Muqdisho la rabo in lagu qabsado xoogga Itoobiya" ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo hadalladiisa ay muqdeen caro aad u xoogan.

Xaad ayaan sheegein halka ay u jogaan ciidamada uu kala hortagayo dowlada iyada oo loo qaadan karo in dagaal galinayo dhalinyarada ururka uu sheegto in uu madaxda ka yahay.

Dhawaan ayuu Ra'iisul Wasaaraha Somalia Nuur Cadde; wuxuu oodda ka rogay xubno ka tirsan Golaha Xaad oo uu ka mid ahaa Axmed Diiriye Cali, wuxuuna Ra'iisul wasaaruhu sheegay inay taasi qayb ka tahay dadaallada nabadeed ee uu wado, iyadoo Madaxweyne Yuusufna uu soo dhaweeyay talaabada lagu sii daayay xubnahaas.

Waa markii ugu horreysay oo uu ku dhawaaqo Maxamed Xasan Xaad inay ku biireen xoogagga hubeysan ee mucaaradka DF, waxaana Duqa Muqdisho Maxamed Dheere uu horay u sheegay in Maxamed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye ay yihiin adeegayaasha kooxda Al-shabaab.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 60 guests