Postby SahanGalbeed » Fri Feb 22, 2008 3:31 pm
War nimanyow , waatii CY intuu odey beeleed-kii darood-ka oo dhan Qaloocan isugu yeedhay ku yidhi waxaynu ka shirayna danteena guud , Ethiopia -na waxaynu ka codsanayna in Las Canood idoorka ay inooga saarto .
Waxay xabashidii ku yidhadeen ma ogtihin??
SEE BELOW
Kulankaasi qalloocan ayaa markii uu furmay waxa uu ahaa mid ay isimada qaarkood ka muujiyeen walaac ka dib markii sida la sheegay laga dalbaday in Isim waliba uu soo gudbiyo liiska dadka Ardaagiisa ka tirsan ee uu aaminsan yahay inay xidhiidh la leeyihiin .........................................
Wax yar uun ka dib kulankii Qalloocan ee dhowaan soo gebegeboobay ayaa waxaa soo baxaya in Itoobiyada federaalku ay diyaarisay Liis ay ugu yeedhay Argagixisada deegaanada SSC, kaas oo dadka ku jiraa ay hadda ka dib noqon doonaan dad ay raadinayaan hay'adaha Ammaanka ee Itoobiya & kuwa ay wada shaqaynta leeyihiin ee reer galbeedku.
Kulankaasi qalloocan ayaa markii uu furmay waxa uu ahaa mid ay isimada qaarkood ka muujiyeen walaac ka dib markii sida la sheegay laga dalbaday in Isim waliba uu soo gudbiyo liiska dadka Ardaagiisa ka tirsan ee uu aaminsan yahay inay xidhiidh la leeyihiin waxa ay reer galbeedku ugu yeedhaan Argagixisada, dalabkaas oo ahaa mid ay ergooyinkii SSC ee Kulanka joogay ay aad madaxa uga ruxeen.
Weftigii SSC ee kulankaas joogay waxa ay ku dadaaleen inay itoobiyaanka ku qanciyaan inaanay haba yaraatee deegaanadooda joogin dad xidhiidh la leh waxa loogu yeedho argagixisada, hase yeeshee nasiib xumo kuma qancin itoobiyaanku dhinacooda.
hadda waqti yar uun ka dib dhamaadkii kulankaasi waxaa la cadeeyey in itoobiyaanku ay daabaceen liis ay ku jiraan dad badan oo ka soo jeeda deegaanada SSC, kaas oo ay u aqoonsanaan doonto itoobiya inay dadka ku jiraa yihiin kooxaha ay itoobiyaanku ugu yeedhaan dadka tilmaaman amaba ay xidhiidhba la leeyihiin.
dadka liiska ku jiraa ma aha oo keliya qaybo ka tirsan dhalinyarada wadaadada ah sida la moodayey, laakiin waxaa qayb ka ah mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, saraakiil hore oo Ciidamada ahaa, hawlwadeeno ka tirsan hay'adaha cadaalada ee Puntland & xubno fadhiyey ama ka qayb galayba kulankaas qalloocan.
Isimadii & waxgaradkii kale ee kulankaasi ka qayb galay ayaa si kala duwan uga hadlay natiijadii kulankaasi iyadoo ay isimada badankoodu hoos u dhigeen ahmiyaddii kulankaasi kuna tilmaameen mid u dhacay si ka duwan sidii ay moodayeen in loogu yeedhay,
waxana ay ku celiyeen in Deegaanada SSC ay yihiin goobaha ugu ammaanka badan xuduuda ay itoobiya la wadaagto Soomaaliya, taasina ay markhaati ka tahay inaanay ahayn Deegaanadani Hoy ay ku Dhuuntaan waxa ay reer galbeedku ugu yeedhaan Argagixisada amaba kooxaha ka soo horjeeda itoobiya.
Xuseen Kurdi..Widhwidh
Last edited by
SahanGalbeed on Fri Feb 22, 2008 3:34 pm, edited 1 time in total.