Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka Oo Duqeeyey Degaano Ka tirsan Koofurta Soomaliya
Mar 03,2008
byKismaayo-GEDO-NN
Qaar ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Mareykanka ee ku sugan badweynta Hindiya ayaa la sheegay inay dhowr gantaalo ah ay ku dhufteen goobo u dhow dhow magaalada Dhoobley ee koofurta Soomaliya oo lagu tuhmayo inay joogaan maleeshiyo beeleed taabacsan midowgii maxkamadaha.
Weerarkaan oo dad goobjoog ahi ay sheegeen inuu dhacay saakay aroortii ayaa la ogeyn khasaaraha rasmiga ee ka dhashay, balse la sheegay inay jiraan dhowr qof oo rayid ah oo dhaawacyo kale duwan ka soo gaareen haatana lagu dabiibayo goobaha caafimaadka ee deganadaasi. Maraakiibta dagaalka ee ciidamada Mareykanka ayaa ku sugnaa xeebaha wadanka Soomaliya, gaar ahaanna xeebaha magaalada Kismaayo kuwaasoo si gooni ah ula socday dhaqdhaqaaqa maraakiibta ku socota degaanadaasi iyo weliba goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha midowga maxkamadahii taabacsan.
Weerarkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ka dhaca degaanadaasi tan iyo intii ay ciidamada Itoobiyaanku oo kaashanaya diyaaradaha Mareykanku ay ka saareen degaano badan oo ka tirsan koofurta Soomaliya kooxahii taabacsanaa midowgii maxkamadaha. Nin asagu sheegta inuu ka tirsan yahay kooxaha ka haray midowgii maxkamadaha ayaa dhowaan saxaafadda u sheegay asaga ku sugan imagaalada Dhoobley inay dagaalo ku qaadi doonaan degaano badan oo ka tirsan koofurta wadanka Soomaliya, gaar ahaanna magaalada xeebta ah ee Kismaayo.
Goobjoogayaal ku sugan degaankaasi oo xiriir lala sameeyey ayaa sheegaya inay degaankaasi ay joogaan kooxo ka haray midowgii maxkamadaha oo ku jira kaymaha degaanadaasi oo sida la sheegay tabarro ku qaata goobahaasi. Magaalada Dhoobley ee gobalka Jubada hoose ayaa dhowaan waxaa ay dagaalo ku dhex mareen maleeshiyo beeleedyo degaanka oo aanooyin qabiil ay ka dhaxeeyeen iyo weliba gacan ku haynta degaanadaasi.
Shariif Doodo-GEDO-Kismaayo News Desk
Email:doodo@gedonet.com