Xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland oo sii Kordhaya: Shirkadihii Shidaalku Durba Ma Yimaadeen Hargeysa?
Hargaysa (Waaheen) Bilahan dambe waxa soo baxaya ifafaalooyin tilmaamo u noqon kara xidhiidh iskaashi oo ka dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland. Ugu horrayn waxa jiray socdaalkii Madaxweynaha Somaliland ku tagay horaantii bishii hore Washington oo si lama filaan ah loogu soo dhoweeyey caasimadaas, booqashadiisana ay markiiba la wareegaan waaxda maamuska ee Wasaaradda Khaarijiga. Intii uu joogay Washington waxa soo baxay warar badan oo sheegaya in xafiisyada Foggy Bottom (Wasaaradda Khaarijika) laga hadal hayay arrimo la xidhiidha ictiraafka Somaliland.
Intii aanu Madaxweynuhu tegin Washington waxa waraysi la yeeshay idaacadda Voice of America Dr. Axmed Xuseen Ciise, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Kulmiye oo ku sheegay isaga oo ku suagan Washington. Waraysigaa oo uu ku sheegay in uu filayo xidhiidh iyo dhaqdhaqaaq dhexmara Somaliland iyo Maraykanka bilaha soo socda.
In yar ka dib socdaalkii Madaxweynaha waxa si lama filaan ah ka soo degay Hargeysa Dr. Jendhayi Frazer, Ku-Xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Marykanka ee siyaasadda Afrika. Socdaalkaas oo laga dareemey Somaliland iyo aduunka inteeda kaleba.
Wiikan warar badan baa sheegay in koox ka socota ciidamada Marykanku ku sugnaayeen Hargeysa wada tashina la yeesheen Madaxweynaha. Waxa kale oo la sheegayaa in ciidanka badda ee Somaliland qoranayo askar cusub ilaalinta badda oo la sheegay inuu Maalgelinayo Maraykanku.
Hadaba iyada oo intaas oo dhan la hadal hayey ayaa wiikan waxa dad aqoon u lehi sheegeen inuu Hargeysa ku sugan yahay ninkii wakiilka u ahaa shirkadda wayn ee soo saarta shidaalka ee Chevron. Lama oga inuu ninkaasi weli u shaqeeyo Chevron iyo u socdo shirkdaas, waxay se ka mid tahay calaamad cusub. Chevron hore wuxuu u diidanaa in Somaliland soo dego iyada oo ku andoocatay xasil loone darro.
Dadka xeebaha Somaliland deggan waxay beryahan dambe sheegayeen inay jiraan maraakiib dagaal oo Maraykan ah oo ku soo dhowaaday xeebta khaas ahaan tuulada Geeri iyo galbeed ka xigta Berbera.