how does this one i wrote sound
Somaaliyey idinkaa cadawga soo xareystoo.
Kalgacal iyo Walaaltinimana xaasidnimo ka doortoo.
Midnimo iyo dhaqankana
Sharaftii ka qaadoo
Micnihii noloshana, macaankii ka leefoo
Dadkaagii jireyna, sida ciida daatoo
Diintii islaamkana weydinkaa ilaawoo, iftiinkii aduunkuna mugdi kuugu jeestoo
Ciyaalkaad lahaydna waa kuwaa
Gaalka raacoo,
Wadan aanad u dhalan waadigaa ku nooloo,
Dhul gaal shisheeyana waalidkaa ku aasto
Cid aduunka joogtana ayna kuu dhawaynon
Kiinii runta sheegana idinkaa fogeeyoo
Isweydiiya maantana dareenkiinii meeyno
Cudurkan ku haystana dawadiisii meedoo
Qiima aan idiin qalmin, dhiigiinii u daatayoo
Dadkeygow idinkuna jaahil nimada ka tooso
Dariiqaa islaamkana isku kiin dhaweeyoo
Intiinaa maanta joogtana kii dhintey xasuustoo
Ha ilaawin baritona, taariikhdaadi shalaytoo
Magaca somaliguna waliigii ma baa'bao