Postby Somalian_Boqor » Fri Aug 01, 2008 11:54 am
Boosaaso: Madaxweynaha Puntland oo hambalyo u diray shacabka Puntland iyo khudbad uu kaga hadlay arrimo badan
1. August 2008
Boosaaso(AllPuntland)-Guud ahaan Gobolada Puntland ayaan maanta si weyn looga xusin munaasabada sanad guurida ee Toban jirsiga maamul Goboleedka Puntland iyadoo magaalada Boosaaso oo kaliya xaflad lagu dhigay xarunta Dowladdaha Hoose ay ka dhacday, taasoo ay ka soo qeybgaleen mas'uuliyiinta ugu sareyso Puntland iyo marti sharaf kale.
Maxamuud Muuse Xersi (Gen. Cadde) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta khud dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay munaasabad lagu xusayey Toban jirsiga maamul goboleedka Puntland oo la aasaasay 1-dii bishii Augusto 1998-kii, wuxuuna Madaxweynaha uu ugu horeyn u hambalyeeyay shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaalida in ay kula ciidaan bash bash iyo barwaaqo sanad guurada tobanaad ee Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa khudbadiisa ku sheegay mahad celin ballaaran oo uu u jeediyay dadkii lahaa fikraddii dhismaha Puntland iyo Isimada oo ka soo shaqeeyay sidii loo heli lahaa nidaam, wuxuuna Cadde Muuse uu tilmaamay in Puntland ay cagta saartay wadadii horumarka iyo dhismaha.
Gen. Cadde Muuse ayaa ka hadlay xaaladaha amaan ee Puntland iyo arrimaha sicir bararka isagoo sheegay in guulo la taaban karo ay ka gaareen wax ka qabashada amaanka isagoo carabka ku dhuftay in ay jiraan dad fara badan oo xabsiyada lagu haayo kuwaasi oo waday fidno iyo amaan daro, isagoo sidoo kale ka hadlay afduubyada ka dhaca Puntland.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay Nin iyo Naagtiisa oo ajnabi ah kuwaasi oo lagu heysto buuraleyda Cal-Madow ee gobolka Sanaag, waxaana uu sheegay in kooxaha heysta ay sheegeen in ay lacag ka doonayaan hadii aan lacag la siina aysan sii deyn doonin taasoo uu sheegay in ay caqabad ku tahay amaanka iyo howlaha gargaar.
Cadde Muuse Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay muranka maalmahan u dhaxeeya Ganacsatada iyo xukuumadda isagoo sheegay in ay jiraan maraakiib iyo doomo la xayiray, wuxuuna tilmaamay in arintaasi ay sameynayaan dad uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan Puntland, wuxuuna beeniyay in aysan jirin canshuur ay ku kordhisay Dowladda.
"Waxa la idiin sheegayo waa been, rag baa yiri waxaan aadeynaa dekaddo kale, waa been tood meel ay aadi karaan ma jiraan, waxa ay ka helaana Boosaaso wax ka badana ma helayaan, waxa fidnada wadana maka badno shan ilaa toban, oo doonaya iney qal qal geliyaan Puntland waana arin siyaasadeed" ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo ka hadalka amaanka xoogga saaray.
Ugu danbeyntii Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka wada shaqeeyaan nabadda si loogu tallaabsado horumarka iyo dhismaha hada ay gaartay Puntland mid ka sareeya.
C.M.Cali
AllPuntland.