Yusuf & Adan Madobe oo is khilafey
15 Sep 15, 2008 - 10:30:51 PM
Khilaaf xoogan ayaa soo dhexgalay Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, kaasoo ka dhashay go'aan ay dhawaan ku gaareen mudanayaasha Baarlamaanka inaan dib loo soo celin wasiiradii iscasilay.
Madaxweyne Yuusuf oo Isniintii [Sep 14, 2008] shir jaraa'id ku qabtay Villa Somalia ayaa sheegay in go'aankaas uu ahaa mid aan dastuurka iyo xeer hoosaadka baarlamaanka waafaqsanayn.
"Go'aankan hadii la hirgeliyo waa mid duminaya xukuumadda, waa mid ku xadgudbaya heshiiskii lagu soo gaaray Addis Ababa, waa mid dhaawacaya maslaxada dalka, abuurayana Is-afgaran-waa xiligan adag ee lagu jiro" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in go'aankii baarlamaanka uu ka horimaanayo xuquuqda iyo xorriyada shaqsiga Somaliga ah; isagoo sheegay in qofna aan waxba lagu yeeli karin ra'yigiisa oo uu dhiibto.
Yusuf, wuxuu sidoo carabka ku dhuftay in baarlamaanka hadii uu ku xadgudbo hay'daha kale ee DF, sida xukuumada iyo garsoorka go'aankiisu wuxuu noqonayaa mid qayrul-sharci ah oo aan waafaqsanayn shuruucda kale ee dalka u taala.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in isaga iyo Ra'iisul wasaaraha Somalia ay ku heshiiyeen in wasiiradii iscasilay ay ka tirsan yihiin xukuumada ayna wada saxiixeen qoraal arrintaas muujinaya oo saxaafadu ay heli karto.
Dhanka kale, Sheekh Aadan Madoobe oo ka jawaabayay hadalka Madaxweynaha Somalia uu ku sheegay shirkiisa Jaraa'id ayaa ku adkeystay in go'aankii baarlamaanka uu gaaray uu ahaa sharci, balse uusan jeebkiisa kala soo bixin.
"Madaxweynaha Somalia, wuxuu xaq u leeyahay inuu warqad cadeyn ah kasoo saaro go'aankii loo gudbiyay waxaana u banaan inuu diido, balse waa inuu sabab u yeelo diidmadiisa kuna soo celiyo baarlamaanka Somalia" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Sheekh Aadan Madoobe, wuxuu sheegay in qoraalka Madaxweynaha Somalia ay ka muuqato inuu la tashaday xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka; isagoo taas ku tilmaamay wax macquul ahayn.
"Wasiir uu baarlamaanku sharciga kala noqday ayaa shaqeynaya oo sharci noqonaya aniga ilama ahan, waayo sadexda dalka ugu sareysa mid ka mid ah hadii si sharci ah uu u waydo kalsoonida baarlamaanka ma shaqeyn karo" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Kulan uu baarlamaanku maatan yeeshay ayaa lagu go'aamiyay in gudi loo saaro qoraalka uu Madaxweyne Yuusuf kusoo celiyay baarlamaanka, kuwaasoo kasoo baaraandaga.
Arintaan ayaa noqonaysa khilaaf cusub oo soo dhexgalay Madaxda dalka ugu sareysa, iyadoo bishii hore lagu soo gabgabeeyay khilaaf horay u soo dhexgalay dalka Ethiopia.
http://www.garoweonline.com/artman2/pub ... dobe.shtml