Dahir Yusuf Mohamud wuxuu kudhashay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Somaliya taariikhdu markey aheyd 1930kii.
Waxbarashadiisii wuxuu ku qaatay dalka Somaliya iyo waddamo badan oo dibadda ah.
Waxbarashadii dugsiga hoose dhexe iyo sare wuxuu kudhamastay Somaliya.
1954 -1963 dii waxbarashadiisii ilaa heer jaamacadeed wuxuu ku qaatay waddamo dibadda ah oo ay kamid yihiin Talyaniga,Faransiiska,iyo Ingariiska.
Allaha ha u naxariistee marxuum Dahir Yusuf wuxuu ahaa ruugcaddaadi siyaasi ah oo kasoo shaqeeyay meelo kala duwan sida wasaaradda waxbarashadda oo uu ka ahaan jiray barre , iyo wasaaradda arimaha dibadda .
1970kii waxaa looxilsaaray iskuxirka safaaraddaha dibaddaha.
1978dii waxaa loomagacaabay safiirka soomaaliya u fadhiya Hindia.
Waxaa kaloo uu safiir uu ka naqday waddamadda LIIBIA ,IYO TUNIIZIA.
Marxuum Dahir Yusuf waxa uu ifka kaga tagay 10 caruur ah oo ay u kala dhaleen 2 xaas iyo waxay sii dhaleen : Ayaan, Haboon, Hodan, Mulki, Caali, Liban, Magan, Kahin, Koshin iyo Fadumo
Marxuum Dahir Yusuf Mareexan waxa uu ku noolaa dalka Holand burburkii dalka ka dib, waxana uu ahaa nin si weyn looga yaqaan kana dhax muuqday jaaliyada Soomaaliyeed eek u noolaa magaalada Leeuwarden, iyadoo dadka dhan ay ugu yeeri jireen Adeer Dahir madaama uu ahaa nin saciim ah oo lahaa saaxiibo badan.
Marxuum Dahir Yusuf waxaa uu ahaa nin aad can ugu ah Sports, isagoo taageero weyn u ahaa kooxda wasaaradaa howlaha guud Jeenyo LLPP
26kii oktober 20008 ayuu marxuumka waxa uu ku geeriyooday magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.
Waxaan dhamaan Allah uga baryaynaa marxuumka inuu ka waraabiyo janadii fardowsa, dhamaan ummadda Soomaaliyeed iyo eheladisii, qaraabadiisina ka siiyo samir iyo iimaan aamin aamin.
Waxaa tacsida diraya
Mudane C/qaadir Xaaji Masale
Mudane Mohamed Abdi Yusuf
Marwo Xiddo Aden Mohamed
Mudane Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
Mudane Guled Mohamed Abdi Yusuf
Mudane C/RISAQ Axmed Mohamed
Mudane C/casiis Axmed Mohamed
Mudane Duran Farah
Mudane Mohamed Xaaji Ingiriis
Mudane C/qadir Biriq
Mudane C/qadir Cadaay
Mudane Mohamed Buuwe
Mudane Bashir Abdi Dahir
Mudane Mohamud Nur
Iyo dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee Holand