35 Tahriibe oo Dhalinyaro reer Burco iyo Hargeysa ah oo Dooni kula Qaran-qantay Badda Liibiya
"Sadex iyo toban qof oo aan ka mid ahay Saldhig baanu ku xidhanahay, 7-qofna banaanka ayay joogaan, inta dhimatayna Afar qof imika way caddaynayaan, 12-qofna lama hayo oo waa la la’yahay" Nuur Siciid
Hargeysa (Ogaal)- Doonni ay saarnaayeen 35 Tahriibe oo Dhalinyaro reer Burco iyo reer Hargeysa ahi, ayaa Khamiistii doraad ku degtay Badda Liibiya. Isla markaana dadkii Doonidaa saarnaa waxa la sheegay in qaarkood badbaadeen, qaar kalena loo badinayo inay dhinteen, halka kuwo kalena weli la la’yahay.
Dhalinyaradaa ay Doonidu la qaraqantay oo la sheegay inay isugu jireen 29-Wiil iyo 6-hablood, qaarkood markii ay soo badbaadeen waxa qabtay ciidamada Liibiya, haatana way xidhan yihiin. Dadkaa waxa ka mid ah nin dhalinyaro ah oo magaciisa la yidhaahdo Nuur Siciid, kaasoo Wargeyska Ogaal uu xalay ku helay khad Telefoon, waxna kaga waydiiyay sidii shilkaasi u dhacay. Nuur Siciid oo ka jawaabaya su’aal aanu arrintaa ka waydiinayna wuxuu yidhi, "Waxaanu ahayn 35 qof, Doontu way nala gadoontay, waanay isla kaaya rogtay. Markaa, dadkii waxay u dhaqaaqeen in qof waliba dabaasho. Markaa, Imika dadkii Sadex iyo toban qof oo aan ka mid ahay Saldhig baanu ku xidhanahay, 7-qofna banaanka ayay joogaan, Afar qof oo kale oo badbaaday oo aanu arkaynay markii ay ka baxeen ma hayno, mana xidhna banaankana laguma hayo. inta dhimatayna Afar qof imika way caddaynayaan, 12-qofna lama hayo oo waa la la’yahay". Nuur Siciid wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi, " 21-kii bishan 4:00 habeenimo ayaanu doonida ka raacnay meel magaalada Tripoli u dhow. markii ay ilaa 40 daqiiqdood nala socotayna way isla-kaaya rogtay, laakiin way na fogaysay oo Bad-weynta ayay na geysay. 35-kayaga qof dhowr iyo labaatan reer Burco ayay ahaayeen, inta kalena reer Hargeysa."
Nuur Siciid wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi
Nuur Siciid waxa kale oo uu Wargeyska Ogaal u sheegay in 35-ka qof ee doonidu la qaraqantay midkiiba laga qaaday lacag dhan $850-doolar. "Waxaanu ku soconay Talyaaniga. Liibiya-na ilaa 2 bilood iyo toban maalmood baanu sii joognay ka hor intaanaan doonida raacin. tahriibkana waxa nagu kelifay in aanu helo nolol ka fiican tii aanu ka nimi iyo ku dayashada dad badan oo aanu garanayno oo talyaaniga ka soo hadlay " sidaa ayuu yidhi Nuur Siciid.
Dhanka kale, qaar kale oo ka mid ah dhalinyarada doonidaa saarayd oo ka badbaaday shilkaa ayaa dibada jooga, kana baxsaday in ciidamada Liibiya qabtaan oo xidhaan. kuwaas waxa ka mid ah nin lagu magacaabo Farxaan Cali Beerato oo sidoo kale uu wargeyska Ogaal xalay khadka telefonka Liibiya ku helay. Farxaan Cali oo sheegay inuu joogo guri ku yaala magaalada Daraabulis(Tripoli) mar aanu wax ka waydiinay sidii shilkaasi u dhacay wuxuu yidhi, "Waxaanu ahayn 35-qof, 29-Rag ah iyo 6-Haween ah, 21-kii bishan 4:oo-waaberigii ayaanu doonta raacnay, kadib way nala gadoontay. Markaa, hada, xog waxaanu ku haynaa, Sideed qof oo naga mid ahaa inay xidhan yihiin, waa Todoba Wiil iyo gabadh. Toban Nin oo kale oo aan kamid ahayna waxaanu joognaa suuqa(magaalada). Afar qof-na waa la la’ yahay, ragii ugu danbeeyayna waxay sheegeen inay arkayeen iyagoo maydkoodu heehaabayo biyaha dushooda, gabadh iyo sadex wiil weeye, balse xaqiiq ma hayno, inta kalena weli lama hayo".
Nin lagu magacaabo Naasir Cali(Habar-yoonis-reer Waraabe) oo aan isagu raacin doonida ee ka hadhay, haatana ay Tripoli wada joogaan qaar ka mid ah raga ka soo badbaaday doonidaa ayaa isna Wargeyska Ogaal uu kula xidhiidhay khadka telefoonka Tripoli. Mar aanu arrintaa wax ka waydiinayna, wuxuu ku jawaabay; "Horta, Walaal lix Dumar ah oo Shan iyo Sodonkaa qof ka mid ahaa, mid baa laga hayaa ku jirta jeelka oo kula xidhan 7-Wiil. Inta magaalada nala joogta ee marmaraysa ee aanu ku aragnayna waa Toban. Afar kalena, Gabadh iyo Sadex nin-na waxay cadaynayaan in aan la hubin in ay Badda ka soo baxeen oo meelna kuma qora oo raq iyo ruux toona lama hayo. meeshana dadku jeelkuu ka yaacayaayoo laba laba iyo sadex sadex intay isu raacaan ayaa iniba meel martaa si aan loo qaban. Markaa dhawr iyo tobanka qof ee kale ee la la’ yahay laftooda waxa laga yaabaa, meesha jeelasheedu way badan yihiine inay jeelal kale ka soo hadlaan. Laakiin wixii xaqiiq ah waanu soo ururin doonaa wixii hada ka danbeeya".
Qaar ka mid ah magacyada Dhalinyarada Doonidaa la socotay ee hada xidhxidhanSidaanu ku helay xog-waraysiyadaa aanu khadka telefoonka kula yeelanay dhinacyadaa ku sugan Liibiya, dhalinyarada shilka doonidaa ka badbaaday ee xidhan waxa ka mid ah;
Nuur Siciid (Ba-dhulbahante/H-Yoonis)
Xasan Cali Jaamac (Reer Weyd/H.Yoonis)
Maxamuud Axmed Baxnaan(H.Yoonis)
Sacad………..(Sacad Yoonis/H.Yoonis)
Xamda Maxamed Xuseen(Dhulbahante)
Cawil….(Reer Biniin/H.Jeclo)
Maxamed Doodi(Gedabuursi)
Maxamed Doob(Reer Daahir/H.Jeclo).
Dhinaca kale, dadka la la’ yahay ee ay tiradooda Afarta ku sheegeen aragoodana ay tilmaameen inay ugu danbaysay biyaha dhexdooda ee loo tirinayo geerida ee aan raq iyo ruux la hayn waxay ku sheegeen inay kala yihiin;
Kaltuun Maxamed Ibraahim(Mareexaan)
Cabdi Maqtal(Reer Caynaashe/H.Yoonis)
Axmed Cali Saalax(Sacad Yoonis/H.Yoonis)
Maxamed Cawil(H.Jeclo).
Dhanka kalena xubnaha ka badbaaday doonidaa, isla markaana ka badbaaday xadhiga ee magaalada Tripoli jooga waxa magacyadooda ka mid ah siday noo sheegeen ilahaasi;
Cabdiraxmaan Cumar Sulub Xasan(Reer Weyd/H.Yoonis),
Axmed Cismaan Shabeel(Muuse Care/H.Yoonis),
Mustafe (Habarjeclo),
Baashe Axmed Boon(Deerayahan/Ciise Muuse/H.Awal),
Fu’aad Cabdillaahi Cismaan(Reer Abokor/H.Yoonis),
Maxamed Cali Cabdi(Yemeni),
Sanbuur- (naanaystiisa) (H.Jeclo),
Axmed Cismaan Bogmadow(Muuse Care/H.Yoonis),
Farxaan Cali Beerato(Muuse Cabdalle/H.Yoonis).