Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Maraykanka oo hub siiyey muqaawamada...lol

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Maraykanka oo hub siiyey muqaawamada...lol

Postby hanqadh » Sun Jun 28, 2009 10:22 pm

KN: Waligaa miyaad maqashay “ninka bastoolada sameeyey ee isla bastooladii lagu diley?”, ma u maleeynaysaa in Maraykanka hub siinayo Muqaawanada?, hadaysa taasi dhacday ma isweeydiineysaa qaabka ay u dhacday?.

Dhawaaqa gambaleelada ama dawanka ayaa si aan kala joogsi lahayn oga dhawaaqaya caasimada wadamada reer galbeedka, dhawaqani waxa uu kasii darayaa marba marka dambeeysa saacadihii lasoo dhaafay, tani waxay ka dambeeysey kadib markii Maraykanka 40 tan oo hub ah geeyey Soomaaliya kaasoo gacanta u galaya xoogaga muqaawamada.

Qubaro iyo dublamaasiyiin reer galbeedka oo tirro badan ayaa soo saaray digniino culculus iyo fariimo dhiilo leh oo dhamaantood farta ku fiiqaya in hubka Maraykanka Soomalaiya geeyey uu ku dambeyn doono gacanta muqaawamada kadibna loo adeegsan doono isla Maraykankii geeyey.

Ragani ayaa talaabadani Maraykanka ku tilmaamay mid ismiidaamin ah oo aanan laga fiirsanin , waxay intaasi ku dareen in laga shalayn doono falkani, mar ay sababaynayeen aragtidooda ayay sheegeen in DKMG ah aysan lahayn astaamihii dowlada taageero heerkaasi ah la siin lahaa ama gacanteeda lagu aamini lahaa qalabka xaqmigaasi dhan, waxay intaasi ku dareen in DKMG ah aysan lahayn awood ay ku ceshato hubkani.

Digniintani waxay kaliftey in hubka qeyb ka hartay oo aanan wali la geeynin Xamar lagu xayiro bakhaaro keyd ah oo Uganda ku yaala sida laga soo xigtey illo wareedyo militari oo aanan dooneyn in la magacaabo.

Ka hor inta aysan dowlada bilaabin isticmaalka hubkani waxaa fariin cad Maraykanka u dirrey xoogaga muqaawamada oo wacad ku maray in ay hubkaasi ka furan doonan canaasiirta loosoo dhiibey.

Sh. Xassan Yacquub afayeenka maamulka islaamiga ah ee Kismaayo ayaa saxaafada u sheegey in hubkaasi uusan xasilooni ka dhalin doonin Soomaaliya, wuxuuna balan ku qaaday in ay furan doonaan hubkaasi, kadibna u isticmaali doonaan kuwa keeney.

Tan oo kale waxay dhacday sanadii 2006-dii markii Maraykanka hub iyo lacag badan siiyey hogaamiye kooxeedyadii arxanka darnaa ee Xamar heystey, kadibna golihii maxaakiimta ay hubkaasi furteen dhamaantii dalkana kula wareegeen intiisa badan.

User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Maraykanka oo hub siiyey muqaawamada...lol

Postby hanqadh » Sun Jun 28, 2009 10:24 pm

its true al-shabab and hisbul islaam will end up getting all those weapons and sharif will flee....america always has it wrong in somalia.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 99 guests