Wararka ka imaanaya xaafadda Tøyen ee caasimadda dalka Norway ee Oslo ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu toogtay labo ruux oo Somali ah kuwaasoo loola cararay cusbitalka iyagoo dhaawacyo kala duwan qaba.
Sida ey qoreen saxaafadda dalka Norway gaar ahaan jariirada la baxday Dagbladet oo soo xiganeysa saraakiil boolis ah ayaa waxa ey tabisay in weerarkan rasaasta ah ee ey ku dhaawacmeen labada Somalida ahi ey u dhexeeyeen qolooyin Somali ah.
Labadan nin ayaa lagu kala toogtay laba meel oo kala duwan, mid waxaa lagu toogtay gudaha halka laga raaco tareemada dhulka hoostiisa mara ee Tøyen T-bane Stasjon, halka kan kalena lagu toogtatay wadada loo yaqaan Jens Bjelkes gate oo aan sidaa uga fogeyn halkan kii hore lagu toogtay islamarkaana ku taal isla xaafada Tøyen.
Sarkaal u hadlay booliska ayaa sidoo kale saxaafadda u xaqiijiyay in dhacdadan ey tahay mid somalida dhexdooda ah, waxaana uu intaa ku daray in ragga dhaawacmay ey xaaladoodu aad u liidato islamarkaana mid ka mid ah xabadu ka haleeshay dhinaca qoorta.
Ragga la dhaawacay ayaa watay gaari nooca loo yaqan Opel oo midab ahaan guduudan, waxaana baabuurka dhinaca muraayada midig ee darawalka kaga taalay xabad oo waa ey bur-bursaneyd.
Wali ma cada shababta ka dambeysa isxabadeyntani, balse goobta ayaa waxaa soo buux dhaafiyay boolis aad u tiro badan kuwaasoo baadi goob u galay ragga wax toogtay iyagoona gabi ahaan goobta falku ka dhacay isku gadaamay.
Cidna wali looma qaban dhacdadani oo ah mid ey xaafadda Tøyen oo dhan ka qeyliyeen. Saacada uu shilkani dhacay ayaa aheyd caawa abaarihii 23:15-mirir