Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

SomaliMen Vs SomaliWomen

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
UkMan9
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm

SomaliMen Vs SomaliWomen

Postby UkMan9 » Thu Jul 07, 2005 3:51 pm

Topic gaan waxaa igu kallifay maalin kasta waxaan arkaa Niman iyo Naago caytamaya ...Niman caayaya Naagaha oo ku eedaynaya Caqli la'aan iyo maskax yare ama Naago ku caayaya ragga sidoo kale.....

Bal aan aragno kii maskax yar ama caqli yar...meeshaan aan ku legdano... keenii maskax yar ha soo baxee.....

Topic...waa maxaa dadkii sidaan u galay khaas ahaan kuwa jooga banaanka yaa eeda iska leh ...Ma Nimanka mise Naagaha....

Haddii aad tiraahdid Nimankaa iska leh waa inaad raacisaa hadalkaaga wax xoojinaya ama cadaynaya...haddii aad tiraahdid Naagaha ayaa leh...sidoo kale waa inaad keentaa wax hadalkaaga xoojinaya ama cadaynaya...


Idinkoo mahadsan please hadaad soomaali qori kartid somali ku qor xataa haddii somali qoridiisu ku dhibayso laakiin aad qori kartid somali ku qor haddii aadan ku qori karin English waa caadi qofkastaa wixii u fudud ayaa fiican inkastoo ay qurux badan tahay somali inaad ku qortaan oo dadka aan englishka aqoon akhrin karaan kana qayb geli karaan doodaan....Ogaada luqadi maaha cilmi ...sida aad Ingiriirka u qortaa kaama dhigayso qofka aa tahay qof aan ahayn waxaa tahay ayaad waligaa ahaanaysaa.......

Qof kastoow please cayda yaree aad qorayso.....

Wink

*HannaH*
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7577
Joined: Mon Feb 16, 2004 7:00 pm
Location: Xero Awr, Hargeysa

Postby *HannaH* » Thu Jul 07, 2005 8:45 pm

Earth to UK Man, dude you are over rated........meaning, waa lagaa badbadiyey.

User avatar
Somali2003
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1729
Joined: Sun Oct 26, 2003 7:00 pm
Location: GaadhHaye, Royal Army of Sultan M.
Contact:

Postby Somali2003 » Thu Jul 07, 2005 9:21 pm

horta waa run in naagaha ay maanta marayaan heer lala yaabo. Naagaha badankood waa dad caqli baddan laakinse dhibaatada waxaa abuuraya qaaditaanka dhaqan qalaadeed taasoo sababi karta diidmo qofka dhalashadiisa iyo dhaqankiisa.


waxay ila tahey, waxaa maanta aad looga badbadiyey xornimida qayaaliga ah ee la yiri waxey ka jirtaa Dibada ama ku noolaanshihiisa. Xornimidan waad mid loo maleeyo mid naagaha siineysa awood ay ragga ku muquuniyaan. runtii maanta naagta caqliga leh wey garaneysaa in XORNIMADA AY TAHEY IN MID DADKA LAGU DHAQAN ROGAYO OO LA DOONAYO INEY KU DHEXDERSAMAAAN DAD AAN IYAGA AHEY.


waxa la ogaadey in dadkii u yimid Mareykanka nolol fiican marka la eego taariikhda IMMIGRATION , dadkaasi oo dhan ama ahaadeen Chinese, INdian, African ama European , dadkaasi dhamaantood way dhaqan rogmeen, haddey noqoto luuqad ahaan iyo dhaqan ahaan. Runtii diintooda weli wey heystaan si aan xoog leheyn, taasi waxaad ka garaneysaa iney tahey doctrineka "the seperation of church and state" kala saarka diinta iyo dowladnimada . sababta keenteyna iney tahey in MEDIA ama laamaha warfaafinta ee Mareykanka aysan diinta saa u faragelin ama ka hadlin, marka laga reebo diinta islaamka iyo argigixasada oo la is barbardhigo qarnigan..




waxey ila tahey, XALKA KELIYA EE LA DHIHI KARO XALKAN AYAY SOMALI KU BADBAADI KARTAA.


WAA IN LA LAABTO., DHULKII, IN SHALLAH.

User avatar
1nemansquad
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11434
Joined: Tue Apr 01, 2003 7:00 pm
Location: Over here and over there

Postby 1nemansquad » Thu Jul 07, 2005 9:24 pm

Ukman, dude you are tooo old, i didn't even bothered to read waxaa qortey cause of tha title;

do you enjoy ineey naag kula muranto? if not, why start xaar like this?

quit this somaliwomen vs somalimen bs ninyoho, no one gives a fock really Very Happy

User avatar
Somali2003
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1729
Joined: Sun Oct 26, 2003 7:00 pm
Location: GaadhHaye, Royal Army of Sultan M.
Contact:

Postby Somali2003 » Thu Jul 07, 2005 9:28 pm

^^^^qofku hadduu af somali qoro, mahan macnaheedu qofkaas waa wayn yahey.


aniga af soomaali si fiican baan u qoraa, dadeeduna ma gaarin 28. I swear to god

User avatar
1nemansquad
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11434
Joined: Tue Apr 01, 2003 7:00 pm
Location: Over here and over there

Postby 1nemansquad » Thu Jul 07, 2005 9:36 pm

^^^ waar idhageyso aniga ninkan waa weenyahey waxaa ugu dhahay because of tha topic uu meesha la amaadey not afsomaliga u qoreeyay; come correct abtii, intaadan afka furan

maxaa iigu dharanee aniga bout ur age like i got a gun to your head?

sexy-kitten
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11300
Joined: Wed Jan 28, 2004 7:00 pm
Location: You'll never catch me, might as well just watch me.

Postby sexy-kitten » Thu Jul 07, 2005 11:20 pm

UkMan, walaal meeshaad ka hadleysid waan fahamsanahy laakin dad oo af xun baa meesha la keenay. Ayaamahaan af macaan laguma hadli karo adigoo afka lagaa goosan. Nimankii America yimid badanaa shaqo la'aan bey meesha la fadhiyaan. Ceyr baa u soo dagta oo afar iyo labaatan saac bey qaad gadanayaan. Naagahana waa kuwa shaqeeyan oo waa kuwa lacagta miiska saara. Wiilashaan oo ayaamahaan soo koraya oo shaqooyinka cusub helay hadeey yahiin ma sheegin, laakin odeyaasha maxaa helay? oo maxaan Somali community Coffee Shop ey maalin walba u ag istaagan yihiin? Mey guriga aadaan ey gurigooda dhaqdaan? Sabtida iyo axada hadeey qaxwo meelaha ka soo qabsadaan ey xaafada u sheeka doontaan hadeey tahay ma odhan, laakin afar iyo labaatanka saac hadeey shaqo la'aan meesha hadeey ku haayan..Waa sheeko weyn Confused
Last edited by sexy-kitten on Fri Jul 08, 2005 11:10 pm, edited 1 time in total.

UkMan9
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm

Postby UkMan9 » Fri Jul 08, 2005 4:17 pm

sexy-kitten......

Abaayo duul kasta ama shacab kastaa adduunka waxay leeyihiin dhaqan u gooni ah.......dadkaan badan ee aad aragtay ee taag taagan banaanada waa arin ku salaysan hab dhaqameedka soomaaliyeed....

somalidu sidaad la socotidba waad dad aad iyo aad u war jecel haddii meel mid furo waxay isaga sheegaan meelo fog fog waxayna soo aadaan meeshaas laysugu yimi macnaha ka danbeeyana waa is waraysi.....

Waxaad kaloo ogtahay walaal Sexy inaysan somalidu lahayn TV ama RAD...AY uwada siman yihiin oo waxa laga soo daayaa dhammaan wada simaya ....arintaasina waxay keentay ubaah naansho ay uqabaan WAR(NEWS) ku saabsan Waddankii......

waxaad kaloo ogtahay in Shicib yada kale leeyiihiin meelo ay isugu yimaadaan inta badana ku cabaan KHAMRI...soomalidu malaha meeshaas dhaqan ahaan waa u makhaayad ama meel shaah laga Cabo inta la fadhiyi karo cabitaan koob shaaha ama saxan BARIIS waad iska garan ...marka abaayo taag taagnaantaas aad arkayso maaha ma shaqaystayaal inay wada yihiin....ee hadba qaar ayaa imanaya doonaya Waraysi.......i hope inaan wax kaa tusay Odayaashaas ama dadkii hore sidaad u arkaysay si ka duwan..... Wink

Dhanka Kuwa Yar yar ehehehee maxay shaqa aadaan Surwaalkii oo lugaha geeyeen hadba soo qabashadiisa aaba shaqo ugu filan bal maxaa cadibay hadba waxaan arkaa mid surwaalkii ka sii dhacayo oo soo qabanaya...ma iyagaaba shaqo kale qaban kara ehehehe...Dhagahana waxaa laga dalooliyey dhawr meel markaan eego hadduu buuran yahay inuu naag yahay iyo inuu nin yahay shakaa iga gala...illayn nin buuran naasuu yeesha kuwaana lagahii ayaa u dalooola.... Wink

Somali2003......

bro sifiican ayaad ukala dhig dhigtay laakiin waxaan filayaa in Gabdhuhu ka jawaabaan igaga haboon tahay inaan anigu ka jawaabo ...... Wink

1nemansquad.....

Saaxiib Caqligaa lays dheer yahay dadkana kala kor mariya...age wax qiima ah oo uu leeyahay ma jirto....Laakiin hal wax ayaan ogahay qofka intaas Wayni ama yaraan ka sheekeeya Cuqdad ayuu ka qabaa Age kiisa.......marka saaxiib i hope inaad maskaxda ka korto.....

*HannaH*.......

Dhulka hay dhigin Cirkana Hay gayn Just Dhabtaada isaar.... Wink

sexy-kitten
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11300
Joined: Wed Jan 28, 2004 7:00 pm
Location: You'll never catch me, might as well just watch me.

Postby sexy-kitten » Fri Jul 08, 2005 4:55 pm

LoooL@Surwaalkii oo lugaha geeyeen hadba soo qabashadiisa aaba shaqo ugu filan

Anigu waan fahmaya meeshaad waxaas ka aragtay. Laakiin kuwa hada college dhameeye oo Bachelor/Master degree la soo baxay waa kuwa aan sheegayo. Duqooshinka oo jaad iyo wax loo baahneyn meesha la yimid baa yaab igu dilay. Xataa waa iney shaqeyaan.

-


Marka shaqada u dhamaato ka bid bey bixi karaan oo sheeko doonankaraan. Laakin, mostly waxaan arkaa naagaha oo cleaning ama alaabtu tola. Qaar oo educated ah oo Schools ka shaqeeyo baa jira. Nimanka salka bey dhulka ku haayan ee ka sheekeyaan wadanka iyo politics meehsa ey naagaha ka active-gareysan yihiin. Sheekadaan waxaan ku arkay nimanka afartanka dhaafay ama konton jirka ah. Inta afartan jirku ka yar wey xamaashaan ee ilaahey ha daayo. Wax fiican baad ii tustay ee mahadsanid walaalo rose

-

Aniga waxaan oo yaab ah aan indhaheyga ku arkey waaye. So, far arguement fiican baad ii wadaa, Hadoo kale waad i fahamsiin kartaa. Wink

Adanna
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 366
Joined: Mon Jan 19, 2004 7:00 pm
Location: AfriQiya *where my spirit rests*

Postby Adanna » Fri Jul 08, 2005 5:44 pm

The women. Our mother's financial status has changed extremly since the times before qaxa. Lacagtoo dhan waxay kusoo dhacdaa xisaabta hooyooyinka, they are the ones with the $, and therefore their role has become more interesting. They are the ones contributing the most, both materially and emotionally.

User avatar
foolxume2005
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3705
Joined: Fri Nov 26, 2004 3:30 pm
Location: JIG_JIGA
Contact:

Postby foolxume2005 » Fri Jul 08, 2005 7:00 pm

Sexy walaahi I agree with you, Halkan ATL waxaa jooga niman naago qurux badan qabo oo as soon as ay shaqada ka soo baxaan b4 ay guriga tagin they will go to Dunkin Donuts oo horistaagnaanyay till midnite then they go home and sleep, the 2 dayska ay offka yihiin Donutkay hortaaganyihiin, walaahi every time aan drive thru maro waxaan arkaa same guys oo meesha hortaagan, Gabdhihiina intay stresskii ka baday ayay after few months buurnaanayaan.
soo nimaankaa Qaldan, I know this dude who has lot of money and he was telling me how his wife doesnt know where he keeps the money, that means haduu bari dhinto she wouldnt know where to go and get some money, So Gabdhuhu will do anything to have ninkooda oo guriga la jooga.

User avatar
Somali2003
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1729
Joined: Sun Oct 26, 2003 7:00 pm
Location: GaadhHaye, Royal Army of Sultan M.
Contact:

Postby Somali2003 » Sat Jul 09, 2005 1:20 am

insmensquad, waa maxey magacaas?


gabadhaan la dhahaayo Kitten wa gabadh horta si macquul ah u taqaan ragga hadalkiisa. waxan u maleynayaa in ay Wiilal badan la dhalatey ama aqoonteeda wayn tahey. Laakin magaca hore ayaan ka shakiyaa.



haddaan ka hadlo ragga soomalida ee dibadda jooga oo aan aniga ku jiro, raggu isma laha. lamana dhihi karo waa dad isku shaqo ama HAL wax ka siman. Gabdhahana waa siddoo kale. Laakin meeshani ama is maandhaafka wuxuu ka jiraa habka ku noolaanshaha dibadda taasoo loo arko mid QATAR wayn keeni karta ama dad wada dhashey iska hor keeni karta.

Waxaa hubaal ah in manta ragga Cadaanka ama Madowga ah ee Mareykanka ee dhibaato wayn ka haysato Naagahooda. Maxaa yeeley waa diin la'aan iyo System, maamul la doonayo in dadkaan sidaa lagu hayo. Waxaa jira Sharciyo aad u baddan oo loogu talagalay in ragga ay naagahooda ku muquuniyaan. waxaa ka mid ah, taageero dhaqale ah oo xoog ah in uu ninka markuu naagta furo laga qaado (Alimony), hadduu cayriso inuusan caruurtiisa arki karin (restraining order), hadduu ninka naagtiisa ku xanaaqo ama caayo (domestic abuse, psychological abuse) Hadduu la galmoodo iyadoo aan ku faraxsanayn (nonconsensual marital sex), iyo waxyaallo kale oo fara baddan.

Hadaad daawatid Idaacadda layska arko Channelka la yiraahdo Discovery Channel qaybta FBI Files, ama feelasha laanta sirdoonka ee Mareykanka, waxaad arkeysaa dhimasho baddan ay ragga mareykanka u geysteen naagahooda. Waxaana tiro ahaan dhibaatooyinka gaarayaan tiro aad u dheer oo aan xisaab leheen weyna sii kordheysaa maalin walba. Waa maamul loogu talagaley ee ay Dowladda ama nidaamkooda dhaqaalle ama waxsoosaarkoodu ugu talagaleen iney ku baabiyaaan qiimaha ama dhaqanka reerka (Family values) si ay u kala daadiyaaan wixii doonaya iney si raaxo leh oo barwaaqo leh u noolaadaan. Maxaa yeeley, haddii kale, dhaqaalaha ayaa dib u dhacaaya. singlenimada faraha baddan, canshuuraha, Ganaaxa, Xabsigelinta, waxay dowladda iyo Korporayshaanada ama Kambiniyada wax soo saara u tahey DAQLI WEYN .


Haddaba anagga haddaan Somali nahey waa inaan waxaasi ka digtoonaan oo diinteena iyo dhaqankeena macaan kuwada noolaana. Qofkii caqli leh wuu garankarnaa in iska dhiga ama fikirka xun ee dadkaan aan wadankooda ku noolnahey ay doonayaan iney naga dhaadhiciyaan.



Sidaas i yo Nabadgelyo.

UkMan9
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm

Postby UkMan9 » Sat Jul 09, 2005 8:38 am

Somali2003.....

Saaxiib..horta aad ayaan ugu farax sanahay Topic gaan sababtoo ah wuxuu i baray shaqsiyo somali ah oo aad u caqli badan (sexy-kitten, Somali2003,) (Gabadha Magaceeda hadaanan hor marin waxay oronayaan Men first always Lol Kaftan) runtiina aan ka faaiidaystay wax yaabo fara badan.....

Saaxiib intii badnayd adigaa sheegay dhanka Qoyska Qiimahiisa iyo reer galbeedka...laakiin hal arin ayaan kuugu darayaa...

Sidaad ogtahay Qarnigaan waxaa badan Dumarka oo Ragga ka badan oo ku laban laama Ragga ....65% waa Dumar Only 435% ayaa ah Rag waana war xaqiiq ah....Arintaasina waxay keentay inay saamayso Dhankii Siyaasadda.....Sannadihii 70 tanaadkii gabadha ku nool Carigaan England waxaa qiimaheedu dhamaa Xabad Sigaar ah oo haddii aad siiso xabad sigaar ah ama ushubto koob khamri ah haddii ay ku diido oo aad la dagaasho cid kaa qabanaysaa may jirin Booliskuna wuxuu ku oran jiray Gabadha maxaad adigu sigaarka ama Khamrigiisa uga cabtay.....anigoo arintaan ka soo xigtay ama ka waraystay Odayaal waa wayn oo Caddaan iyo Madawba ah qaar soomali siimanadii ahina waydiiyey...waxayna iigu wada jawaabeen isku mid xaqiiqdii... Meesha GABADHA SOMALIDU ka joogtay 100 Halaad iyo baar qabkooda kuwa kalana Koob khamri ah iyo Xabad sigaar ah....

Arintaasi Badnaashaha hadaan usoo noqdo waxay Taabatay Dhankii Siyaasadda waxaana Siyaasiyiintii Tartan ka muujiyeen sidii ay ku heli lahaayeen KURSI in ay soo jiitaan NAAGIHII oo u sameeyaan sharciyo fara badan si ay CODKOODA usiiyaan....ilaa ay arintii gaartay sida aan aragno maanta..........Marka Saaxiib Sharciyadaan waa Sharciyo ay keentay DOORASHADU....

Naago badan ayaa Sharciyadii u isticmaalay si ka baxsan Bini aadanimada... Taasna waxaa sababay ayaan filayaa....Dabciga Dumarka kaas oo is bed bedala Dabcigaas oo hadba Raacaya Xalaadaha Dabiiciyanka ah oo hadba ku yimaada gabadha kuna kallifaya in ay Dabcigeedu is bedelo...(Markay Hesho Caadada, Markay Uurka Yeelato ....)

Sidaan wada ognahay markii gabadhu ku jirto Xaaladahaas oo meeshaas xanaaq yimaado waxa ugu horeeya oo ay keentaa waa IFUR waana arintii la rabay inay noqoto waxa ugu danbeeya....Marka Saaxiib Dumarkii oo Maamulkii Reerka Faraha Laga saaray mar kii muran yimaadaba soo maaha inay BOOLIIS u yeerto meeshii ay ka samri lahayd oo iska gaabsan lahayd ilaa carado ka dhammaato...Nin Gurigiisii a laga saaray dhowr jeer Qalbigiisii iyo Niyadiisuu soo is bedel wayn oo qiima jab ahi ku dhici maayo...Arintaasina waxay meentay in Qiimihii Qoyska noqdo mid Hoos u dhaca oo Yeelan waayana Miro dhal Macaan badan.......

sexy-kitten........

Wallaahi waad iga Qoslisay 40 iyo Wixii ka sareeya markaad tiri....Abaayo kuwaasi soo kuwii la rabay in La nasiyo oo Caruurtoodu u shaqeeyaan maaha soo kuwii Ilaa markaan yarayn soo feera jabayey maaha oo sidii aan ku heli lahayn waxaan CUNO iyo meel aan SEEXANO waqtigoodii ku dhumiyey ........Common let the Poor guys enjoy inta yar oo uga hartay naftooda sababtoo ah xaqiiqdii inay nastaan waa u qalmaan......Ogowna inay jiraan kuwa shaqeeya wali iyagoo da'daas ah waadna ogtahay Islaan ama Duq Da'daas ah oo cleaning aadaa waa yar tahay...iyaga laftoodu waxay fadhiyaan guryaha oo shaah iyo qaxwe afar habrood oo kale la dal dalayaan haddii aan laysu dhowayna inta Tellka la soo dhowaysto ayeey ku shaah cabbaan...

Somali2003 waan kugu raacsanahay in Sexy aad u caqli badan tahay aad iyo aad ilaah ha usii kordhiyo Koollay anigu waxaan siiiyey oo ay iiga qalantaa Nolol Raaxo leh iyo Dhibaato La'aan inay ku noolaato the Rest of her life......

sexy-kitten...Dear Sister This is For You rose rose rose rose

foolxume2005.....

Bro adiga iyo Sexy waxaad moodaa inaydaan isku meel sheekada u wadin .....adigu waxaad ka hadlaysaa kuwa shaqaysta oo sheekada soo doonta iyaduna waxay ka hadlaysaa kuwa aan shaqaysan ee 40 ka kor udhaafay.... waa sidaan anigu u fahmay....

Adanna....

wadaan ogayn maahee waagii horaba Hooyooyinkaa samayn jiray arimaha aad sheegayso....

User avatar
foolxume2005
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3705
Joined: Fri Nov 26, 2004 3:30 pm
Location: JIG_JIGA
Contact:

Postby foolxume2005 » Sat Jul 09, 2005 10:09 am

UK MAN, kuwa aan shaqaysan, I can understand them cos, maantoo dhan naagtii iyo iyagii isma hor fadhinkaraan, laakiin kuwa shaqaysata adoo maan too dhan shaqo kumaqnaa oo aadan arag naagtaadii iyo caruurtii, why the fock you wanna run to Dunkin Donuts, iyo labada maalin eekaliya ee add fadhido spend time with your family saaxiib, that's all I'm saying.

sexy-kitten
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11300
Joined: Wed Jan 28, 2004 7:00 pm
Location: You'll never catch me, might as well just watch me.

Postby sexy-kitten » Sat Jul 09, 2005 10:10 am

UkMan9 lol, mayee waxaa waaye kuwaa afartanka maraya oo raga ah ayaamahaan waxey guursadaan gabdho 20 ama 30 jir ah. Markaas eey waxey dhalaan ilmo saqiir ah oo hadoo kale 4 jir ama 7 jir ah. Sidii Somalia hadey ahaan laheyd, odeyaashaan waxey guursan lahaayen markey labaatan yihiin oo markaasoo kale afartan markey gaaraan, caruurtooda wey u qaan gaareen. Ayaamahaan xataa waxaan arkaa wiilal oo labaatan jir/Sodon jir ah oo abahood iyo hooyadood u shaqeyaan. Laakin hada, America baa la yimid, gabar kasta oo qurux badan bey odeyaasha soo jiitaan ee markaas oo kadib guursadaan. They should've done that when they were in their early twenties soo maha? Hada western countries baan joognaa oo qof kasta wuu xamaalanayaa. Somalia odeyaasha inteey kursi ku fadhiistaan ayagoo jaad cunaya bey sheekeysan jireen. Hada sheekadaas ma jirto.

Da'aadaas waa lagu shaqeysan karaa. Hadey naagtaada ey shaqeynayso maalin walba markaas ka dib aadan adiga shaqeyneynin, waa dhibaato soo maha?Hadey ilmahooda weynaan lahaayen, caruurta baa u shaqeyn laheyd duqooshinkana wey nasan lahaayen...Laakin ayaka baa damcay sidaas iney u noolaadan.

-
lool Mahadsanid walaalkiis rose up

-

Foolxume, I know eh. Laakin idinku waxaad ka duwantihiin, you said: "b4 ay guriga tagin they will go to Dunkin Donuts oo horistaagnaanyay till midnite" Lool, I'm talking about the ones who don't even work. At least the ones you're talking about work. Anigana also waxaan ka hadlaya duqyaasha lol.

Somali2003, lool. Thanks walaal. I like sidaad dadka wax u fahamsiisid. Laakin magaca hore waxaan u wataa si aan dadka isaga dhibo lol, I see it's working on u Wink


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 49 guests