Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ma Runbaa in Galaal Xariir la lahaan Jirey Itoobiya 1977

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Ma Runbaa in Galaal Xariir la lahaan Jirey Itoobiya 1977

Postby ina aadan » Wed Sep 16, 2009 9:43 am

Waxaa aad iisoo jiitay maqaal dhowaantaan uu daabacay wiilka aan adeerka u ahay Yuusuf Cali Qammaan kasoo Cinwaankiisu uu ahaa muxuu ka biyo diidsananyahay General Galaal?

Yuusuf Wuxuu kasoo sheekeeyey cududdii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, dagaalkii 1977, Guuldarradii cadowga la baday, iyo ugu dambeyn Sidii uu Cumar Carte Qaalib dharaar cad uu u kala diray ciidamadii qalabka sidey.

Su´aalaha uu Yuusuf is weydiiyey ayaa kala ahaa:

1-Ujeedada ka dambeysa kala diristii ciidamada qalabka sida ee Cumar Carte Qaalib. Wey caddahay oo wuxuu ka sheegay shir beeleedkii Boorame 1993, wuxuuna yiri ” waxaan u kala eryey Ciidamadii qalabka sidey ee Soomaaliya,sidey Soomaaliland uga xorroobi laheyd Soomaaliya inteeda kale!”.

2-Qodobka xigey oo ahaa yaa kula taliyey wey caddahay, waxaana hormuud ka ahaa General Galaal, si uu fursad ugu helo xasuuq iyo barakicin.

Markaan usoo noqdo maqaalka Yuusuf wuxuu ka warbixiyey oo keliya General Galaal dhagartii uu galay 1991, dhagartiisa markaa wey ka horreeysey oo inta aan ogahay waxey soo bilaabatay 1963 shirqoolkii uu u maleegay Suldaan Duulane Rafle iyo Xaaji Cabdiraxmaan Sheekh Qaasim.

1963- dii waxaa inoogu yimid qorraxeey Gobolka Ogaden, nin xilligaa naloogu sheegay sarkaal Soomaliyeed kaasoo markaanu eegnay aragiisa aan u qaadan weyney derejeda lagu sheegay,wax heybad ahna aaney ka muuqan, kana yimid qeybta 26aad ee Hargeysa kaasoo lagu sheegay madaxa sahanka.

Goor Casar gaabad ah ayuu noogu yimid meesha la yiraahdo Maraa-caato oo aan ka fogeyn magaalada Qabridaharre wuxuuna la socday safarro ka yimid xaggaa iyo waqooyi galbeed.

Xilliggaa isaga ah waxaa gobolka ka hanaqaaday halgan hubeysan oo soo bilowday 1959 kaasoo bilowgiisa uu lahaa Naftii hure Cabdi Ugaas Axmed Xaashi, waxaa kaa ka farcmay Ururkii Nasru-Laahi kaasoo ahaa urur qarsoodi ahaa waxaana ummadda markaa Hoggaamiye u doorteen Suldaan Duulane Rafle Guuleed oo markaas ahaa guddoomiyaha gobolka qorraxeey, waxaana xoghaye guud ka noqday Xaaji Cabdiraxmaan Sh. Qaasim oo isna xilliggaa ahaa guddoomiyaha maxkamadda gobolka qorraxeey.

Suldaan Duulane ayaa ka aasaasay tuulada Maraa-caato Iskaashato beeraley ah, taasoo aheyd ujeeddo badan, ujeeddada dhabta ahna waxay aheyd in la helo meel xarun u noqota halganka kana baxsan magaalooyinka waaweyn, lagu kala warqaato halgankana laga wado.
Waxaa xilligaas namadax maray fikirka Soomaaliweyn, ninkii annagga ah ee safar ku gaara Soomaaliya ee soo noqda waxaa la soo dhoweyn jirey sida nin xaramka ka yimid, waxeyna dadka oran jireen hebel nasiib badanaa wuxuu cagta soo mariyey ciiddii xorta aheyd ee Soomaaliya. Ninkasta oo xagga jamhuuriyadda Soomaaliya ka yimaada wuxuu ahaa walaalkeen ama ganacsi ha u yimaado ama daaqsin, waxaanu ilooweyney wixii Dakana ahaa ee guud ahaan qabaa´ilada Soomaaliyeed aanu ka tirsaneyney.

Habeenku nagu soo hoyday Galaal waxaanu ku dhaanteyney halheeskii Nasrullaahi ee ahaa :
Ninkii Nabi raaca Naar ma mutee----------Allow Nasrullaahi noolee
Waxaa kale oo uu Abwaanku lahaa:
Ninkii Bulugley basaasahayow--------- waa taa banaanada biligleyn

Waxaa maalinkii xiggey soo gaaray xarunta Maraa-Caato Suldaan Duulane Rafle iyo Xaaji Cadiraxmaan Sheekh Qaasim, waxey shir gaar ah la galeen Galaal maalinkaas oo dhan shir bey lahaayeen illaa habeenkii xilli dambe, subaxii xigey shirka meeshii ayuu ka sii socday ugu dambeyn wuxuu ku qanciyey Galaal Suldaanka inuu warqad warbixin Guud ah raaciyo si uu u gaarsiiyo General Daa’uud iyo wasiirka Gaashaandhigga Xaaji Hilowle Macallin, shakiba ma´aysan gelin waxaa qalinka ku boobay Xaaji Cabdiraxmaan wuxuuna qoray shan bog oo carabi ah oo isugu jirtey warbixin guud halganka meesha uu marayo iyo baahiyaha jira, Waxaana Waraaqahaas Saxiix ku duugay Suldaan Duulane Rafle , waxaana gacanta laga saaray Gen. Galaal.


Suldaan Duulane iyo Xaaji Cabdiraxmaan Qabridaharre ayey dib ugu laabteen, Galaal habeenkii xigey ayuu guureeyey, wuxuuna diiday in loo wehel yeelo wuxuuna yiri waddadii aan soo maray waan aqaan cidna uma baahni nabadeey, wuxuuna qoraalkii farta ka saaray sahanka Ethiopia oo la socday safarkiisa tan iyo Hargeysa, kuna sugayey duleedka Maraa-Caato sida ay ballantu aheyd.

Saddex maalmood kaddib waxaa Qabridaharre xilli barqa ah soo Caga dhigatey dayaarad milateri oo ka soo duushay saldhigga Ciidanka Cirka Ethiopia ee Diri-dhabe, waxaana watay ciidamo gaar ah waxayna toos u abaareen xafiiska Guddoomiyaha gobolka iyo kan Maxkamadda gobolka waxeyna ku katiinadeeyeen Xafiiskiisa guddoomiyaha Gobolka qorraxeey Suldaan Duulane Rafle indhaha ayey ka xireen waxeyna baareen xafiiskiisa iyo aqalkiisa, sidaasoo kale waxey xafiiskiisa ku katiinadeeyeen guddoomiyaha maxkamadda gobolka Qorraxeey Xaaji Cabdiraxmaan Sheekh Qaasim indhaha ayey ka xireen waxeyna baareen xafiiskiisa iyo aqalkiisa, howlgalkaas oo socday laba saacadood kaddib waxaa loo duuliyey magaaladda Diri-dhabe, waxaana loo sii gudbiyey xabsi dhulka hoose ah oo ku yaal Xero milateri oo galbeedka kaga beegan magaalada Harar.

Toddobaad kaddib Suldaan Duulane Rafle iyo Xaaji Cabdiraxmaan sheekh Qaasim waxaa la saaray maxkamad milateri ,waxuuna xeer ilaaliyaha maxkamadda usoo bandhigay warqaddii uu qoray Xaaji Cabdiraxmaan taasi ayaa noqotay marqaati cad, wuxuuna ka codsaday Xeer ilaaliyaha maxkamadda iney ku xukunto eedeysanayaasha in la daldalo isagoo u cuskaday qodobka ah khayaano qaran, guddoomiyaha maxkamadda markuu sameeyey la tashi, Kiiskana dib u eegay ayuu ku xukumay xukun dil ah, laguna deldelo meel fagaaro.

Markii ay arrintu sidaa u dhacday waxaa dhacay anfariir waxaa halgankii ku yimid fashil, waxaana madaxdii ururka Nasrullaahi badankood u baxsadeen xaggaa iyo Soomaaliya waxaana ka mid ahaa madaxdaas: Garaad Makhtal Daahir, Ugaas Aadan-xadiis Maxamad Cumar Ugaas, Majeerteen Ugaas Cabdi, Xirsi Mahad Xasan Bidde iyo rag fara badan oo aan la soo koobi karin.

Haddaba su´aasha meesha taalbaa waxay tahay Galaal muxuu ka faa´iiday dhiigga Suldaan Duulane Rafle iyo Xaaji Cabdiraxmaan Sheekh Qaasim?sidey Ethiopia isku barteen? maxey Ethiopia u ballanqaaday?

Ula Jeedooyinka maqaalkan ayaa noqonaya kuwa dadka soomaaliyeed aan kula socodsiinayno waxyaalaha khaldamay iyo dadka sida tooska ah uga danbeeyey dhibaatooyin badan oo la gaarsiiyey dad an waxba galabsan oo bir mageydo ah.Arrimahaasi iyo kuwa kale waxaan ku soo bandhigi doonaa qoraalka dambe.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 81 guests