Allahu Naxaristo Awowe Jimcaale Jamac:
Gabaygan wuxuu abwaanku tiriyey xilli ku aaddan 1952kii. Jimcaale Jaamac wuxuu gabaygan ku dulmarayaa khaladaadkii ka dhacay intii uu noolaa isagoo Eebbe weydiisanaya inuu u dembi dhaafo. Ilaahay ha ka aqbalo, Aamiiin.
Qudhaan gooyey, qoys waxan diliyo, qalad waxaan geystay
Salaadaan qatalay, hiiradaan, qararaclaynaayey
Xalaashaan ka qaday booligaan, quruxda moodayeey
Qarin maayo oo waxaan qabaa, qaan aan fududayne
Qadar Eebe mooyee majiro, qiil aan suubsado'e
Ilaahoow Jannada hayga qadin qaadir baa tahaye.
Saddexdaan beydna waxay naga soo gaadhay mala goob ka mid ah goobaha uu gabayga kore Eebbe ku denbi dhaaf weydiisanayo. Waa xilli malaa Jimcaale iyo qoyskoodu karbaash ku dhufteen beelo ay deegaan wadaag yihiin oo Mareexaan ah.
Celigii Ubbada wayn lahaa, aabiley Wagardhac
Nimankii aryaha maali jiray, lays ogaa shalay'e
Allow edab mayeesheen markii laysku oday sheegtay.
Bal abwaankan u soo caddaalad fal oo gabayadiisa soo dhammee.
Marreexaanka guudkiisa kore, gebi ahaantiisa
Gadiid iyo Wardheeriyo intii, Wagardhac loo gaaro
Gacal iyo Qumane Celiga oo, gaballo waaweyn ah
Iyo niman Galeelleey dhashoo, goomman baa jira’e
Ganbalaali dhacay meel dagaal, la isku gaagbeelay
In kastoy colkii hore gabeen, nagama gaabshaane
Anna
Gaalkacyaan qabanayaa, gugakan maanta ahe
Guubaabadii baan ka tirin, gabayadaydiiye
Guutiyo waxaan soo hormarin, gooddi faraweyne
Waxaan soo gamaamadahayaan, gaaddada u marine
Kolba gelengel waa noqon kobtaan, gorodda saarnaaye
God haddaan la ii qodin amaan, gudub la ii seexin
Waxaan sharad Ilaahay ku galay,
Cayr inaan gubo’e
Xaggee baa geyiga looga kicin, gaas kalaa dumane