Gaajounit's post is in response to a surrender deal signed with Atto Meles Zenawi:
Xukuumadda Itoobiya iyo mid ka mid ah Jabahadaha ka dagaalama Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo heshiis nabadeed kala saxiixday
Talaado April 06, 2010 (HOL) Dowladda Itoobiya ayaa heshiis nabadeed la saxiixatay Jabhadda Ogaadeenya oo ka mid ahayd jabahadaha ka dagaalama dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Heshiiskan oo ka dhacay dalka Jabuuti ayaa labada dhinac waxay ku gaareen inay joojiyaan dagaalladii u dhexeeyay, waxaana sidoo kale heshiis midkan oo kale ah ay la gashay Jabhadda Somali-galbeed oo ka mid ah jabhadaha ka dagaalama dhulka Soomaalidu dagto ee Itoobiya.
"Heshiiskan wuxuu kasoo bilowday dalka Denmar bishii December ee sannadkii hore waxaana si rasmi ah loogu saxiixay dalka Jabuuti Sabtidii lasoo dhaafay" ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Jabahadda Ogaadeenya ee heshiiska la saxiixatay Dowladda Addis Ababa.
Sarkaal u hadlay Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay wadahadal kula jirtay Jabahaddan, kuwaasoo ka dhacay dalal ku yaalla Afrika iyo Yurub, balse lagu guuleystay hadda in la kala saxiixo, ayna ku faraxsan yihiin heshiiskan.
"Waxaan joojinnay gabi ahaan dagaalladii hubeysnaa ee kala horjeednay Itoobiya, wixii hadda ka dambeeya waxaan doonaynaa inaan nabad kula noolaano waxaana lagu wadaa inaan labadeenna dhinac la hadalno saxaafadda Arbacadda berri ah" ayuu yiri sarkaal diiday inuu magciisa sheego oo ka tirsan Jabhadda Ogaadeenya.
Madaxa Guddiga Wadatashiga ee Jabahadda Ogaadeenya Sheekh Axmed Cabdi Nuur oo ahaa mas'uulkii ka dambeeyay wadahadallada lagu heshiiyay ayaa sheegay in heshiiskan ay u galeen sidii dadka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ku nool duruufo adag looga saari lahaa.
Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda heshiiska la gashay ayaa waxaa dhexmaray dagaallo aad u daran oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan intii ay ku dagaalamayeen Magaalooyinka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya