The Somali Islamic Administration (Al Shabaab) distributes zakaat to the poor and needy
Maamulka Islaamiga ah ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee Wilaayada Sh/Hoose Ayaa soo gabagabeeyey Zako qaybin kasocotey Magaalooyinka waa weyn ee Wilaayada Sh/hoose,
Mas'uuliyiin u hadashey Maamulkaas ayaa sheegey in ay haddana u gudbayaan tuulooyinka ku yaal Wilaayada,
sidoo kale waxaa la filayaa in hawshaan Zaka qaybinta ah ay ka bilaabato wilaayooyinka kale ee ay ka jiraan Maamulada Islaamiga ah.
Waxaa Camalkaan aad usoo dhoweeyey Bulshada ku dhaqan Willaayada sh/hoose iyagoo aad ugu farxey in ay heleen Dadkii masaakiinta ahaa xoolo ALLAAH uu u siiyey oo cidna aysan ku galadaysanayn,
sidoo kale dadkii maal qabeenka ahaa ee Zakadaan laga soo ururushey ayaa ku farxey markii ay arkeen xaqii ay xoolahooda ka baxsheen oo meeshii loogu talagalay la marsiiyey.
Arintaan ayaa ah arin taariikhi ah oo noqonaysa markii ugu horeysey ee wadanka soomaaliya loo guto fariidadaas (zakada) sida waaafaqsan sharciga Islaamka taas oo muujinaysa in soomaaliya ay ka hirgashey shareecada Islaamka oo wax badan laga hortaagnaa dhiig badanna loo daadshey in Soomaaliya lagu xukumo sharciga Allaah.