Postby grandpakhalif » Mon Sep 27, 2010 12:26 pm
Koox cusub oo Islaami ah oo la magac baxdey Jamaac-ul- Mujahideen dugsiga tababarka Luuq ayaa waxay sheegteen masuuliyada weeraradii xaley lagu weeraray ciidamada Al shabab ee ku sugan magaalada Luuq.
Afhayeen Kooxdan la magac baxdey Jamaac-ul- Mujahideen ayaa wuxuu u sheegay warbaahinta magaalada Luuq inay ka amar qaataan oo ay daacad u yihiin wadaadka lagu magacaabo Guuled Axmed kaasi oo fariisin ku leh qaybo ka mid ah Gobolka Gedo gaar ahaan Koonfurta Sare.
Laakiin afhayeen u hadley midowga Maxkamadaha Islaamiga ayaa wuxuu si adag u beeniyey warka ka soo yeeray kooxdan Islaamiga ah ee cusub ee sheegatey weeraradaasi, waxaana Sheekh Maxamad Jamaac oo ah madaxa hawlgalada kooxaha Jamaac-ul- Mujahideen uu sheegay in ay kooxdoodu ka dambeysey weerarkaasi, waxaana uu sheegay in kooxdaasi ay ka mid tahay Jamaac-ul- Mujahideen ah oo aanay ogeyn xiliga ay ka baxeen.
Sheekh Maxamed Siicid (Sanyare) oo sheegay in uu u hadlayo kooxdaasi taageersan Sheikh Maxamad Xirsi wuxuu sheegay in duqeyntaasi ay geysteen kooxdooda ayna masuul ka yihiin duqeyntaasi lagu weeraray ciidmada Al shabab, waxaana ninkaasi uu sheegay in ku soo biireen kooxaha ka dagaalamay magaaalda Luuq.
Dhinaca kale Sheekh Maxamad Xiirsi ayaa sheegay in kooxdaasi la baxdey Al shabab ay ka tirsan yihiin kooxda Khaawrijta isagoo sheegay in ay bixiyeen rasaasta, saadka iyo qalabka ay ku dagaal galeen kooxdaasi taageersan Sheekh Maxamad Xiirsi waxaana uu sheegay in uu la yaabay markii uu maqley in kooxdaasi ay kaligeed gooni u sheegatey weeraradasi.
Maxamed Xiirsi iyo Sheekh Maxamad Siicid (Sanyare)ayaa wareysi kala duwan oo ay siiyeen idaacada Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa waxay muujiyeen sida ay ugu kala duwan yihiin masuuliyada weeraradii xaley ka dhacay Muqdisho cidii gaysatey.
Wararka SBC