Wefti uu hoggaaminayo Xoghayaha guud ee Ururka IGAD Maxbuub Macallin, ayaa maanta booqasho ku yimi Hargeisa, isla markaana kulamo la qaatay masuuliyiin ka socda Somaliland.
Weftigan uu hoggaaminayo Xogyaha guud ee Urur-gobolleedka IGAD Maxbuub Macallin oo Somaliland ku yimi booqasho qaadan doonta muddo afar maalmood ah, waxa garoonka diyaaradaha ee Hargeisa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland oo uu horkacayo wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdilaahi Cumar.
Weftiga ka socda IGAD iyo Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo soo dhawaynta ka dib, si wada-jir ah warbaahinta ugula hadlay xarunta wasaaradda khaarajiga, ayaa Wasiirka xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday oo oo ka hadlay ujeedada weftigu, waxa uu sheegay in ay dalka u yimaaddeen sidii ay ula wareegi lahaayeen masuuliyadda Dugsiga barashada culuumta Xoolaha ee Sheekh, kaas oo uu sheegay inay hore gacanta ugu hayn jireen Midowga Yurub.
Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan weftigan, isla markaana ay kulamo la qaadan doonaan, “Iyaga oo labada dhinac ka wadli doonaan arrimo la xidhiidha dhinacyada horumarinta iyo iskaashiga,” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirku wuxuu weftiga warbixin ka siiyay isbedelkii siyaasadeed ee Somaliland ka dhacay, waxaanu sheegay in Doorashadii ka hirgeshay Somaliland u soo jiiday sumcad ay caalamka ka dhaxashay, waxaanu sheegay in xukuumad ahaan waxqabadkii 100-ka maalmood qorshaysnaa inta aan qabsoomin ay ku talo-jiraan qabyo-tirkeeda. Wasiirku wuxuu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin la-shaqaynta guud ahaan beesha Caalamka, gaar ahaan Ururka uu ka socday Maxbuubi ee IGAD, isaga oo socdaalkooda ku tilmaamay mid bilow u noqon doona wada-shaqayn toos ah oo dhex marta IGad iyo Somaliland.
Waxa sidoo kale, halkaa ka hadlay Xogyaha guud ee IGAD Maxbuub Macallin oo sheegay in ka dib muddo dheer oo iskaashigoodu ka maqnaa Somaliland, uu socdaalkoodani wax badan ka bedeli doono. Waxaanu sheegay in Doorashadii Somaliland ka dhacday ay ahayd mid raaligelisay dunida, isla markaana ku cusub Afrika. Waxa kale oo uu Maxbuub sheegay in uu jiro tababar la xidhiidha hoos-u-dhigga Faqriga, kaas oo uu sheegay in Somaliland lagu marti-qaaday. Waxa kale oo uu sheegay Maxbuub in EU-da ay u gudbiyeen codsi la xidhidha dhismaha Jidka Berbera ilaa Itoobiya isku xidha, kaas oo uu sheegay in la aqbalay fulintiisa. “Inkasta oo aanu idinka maqnayn xidhiidhkayagu, haddana waxaad qabsateen wax wanaagsan, doorashadii Somaliland ka dhacdayna waa mid ku cusub qaaradda Afrika,” ayuu yidhi Maxbuub.
Inkasta oo aan Warbaahinta loo ogolaanin in ay wax su’aalo ah waydiiyaan weftiga, isla markaana ay kulan warbaahinta loo diiday ay markii dambe yeesheen labada dhinac, haddana waa markii u horraysay ee Wefti ka socda Urur-gobolleedka IGAD oo heerkan oo kale ahi ay dalka soo gaadhaan, tan iyo intii ay talada dalka la wareegtay xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo.